Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Paris Saint-Germain ee Marco Verratti ayaa lagu soo waramayaa in uu ogolaaday in uu heshiis cusub oo 4 sano ah u saxiixo kooxda heysata horyaalka France.
Laacibka heerka caalami ee dalka Talyaaniga ayaa sumcad u yeeshay inuu ka mid yahay halyeeyada Yurub 10-kii sano ee uu ku sugnaa garoonka Parc des Princes, inkastoo uu dhaawac ka soo gaaray.
Verratti ayaa ka tagay Pescara sanadkii 2012 isagoo ku biiray PSG qiimo dhan €12m (£10.4m), 30 jirkaan ayaa tan iyo markaas aruursaday 11 gool iyo 61 caawin 398 kulan oo uu u saftay Les Parisiens.
Verratti ayaa tan iyo markii uu yimid France ku guuleystay siddeed horyaal oo Ligue 1 ah, lix Coupe de France, lix Coupe de la Ligues iyo sagaal Trophee des Champions League tan iyo markii uu yimid France, sidoo kale wuxuu ka mid ahaa kooxdii Talyaaniga ku qaaday Euro 2020.
Laacibka khadka dhexe waxa uu ka mid yahay mashiinnada PSG tan iyo markii uu Christophe Galtier la wareegay isagoo hal gool dhaliyay 20 kulan oo uu ku soo bilaabay 14 kulan oo Ligue 1 ah.