HESHIIS DHACAY: Coutinho oo ku biiray Mid kamid ah Kooxaha Premier League-ga

Aston Villa ayaa ogolaatay inay heshiis amaah ah ku keento kubad sameeyihii hore ee Liverpool Philippe Coutinho oo ay kaga soo qaadatay Barcelona ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Heshiiska oo ah in ciyaaryahanku uu dhameystiro tijaabada caafimaadka iyo inuu helo ogolaanshaha shaqada, ayaa sidoo kale waxaa ku jira ikhtiyaar uu ku iibsan karo, Coutinho wuxuu u safri doonaa Birmingham 48-da saacadood ee soo socota.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa dib ula midoobi doona maamulaha Villa Steven Gerrard , iyadoo labada ciyaaryahan ay horay ugu wada ciyaari jireen Liverpool .

Xidhiidhka ayaa la fahamsan yahay inuu ahaa mid muhiim u ah doorashada Coutinho, iyadoo kooxaha sida Arsenal , Newcastle iyo Everton ay sidoo kale la xiriireen wakiiladiisa ka hor inta aysan u saxiixin Villa.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*