Home Suuqa kala iibsiga Heshiis Hordhac Ah, PSG Oo La Qadiyo Iyo Saddexda Shuruudood Ee Ay...

Heshiis Hordhac Ah, PSG Oo La Qadiyo Iyo Saddexda Shuruudood Ee Ay Real Madrid Ku Xidhay Kylian Mbappe

0
Ad

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ka digtoonaanaysa in ay ku dhacdo sidii sannadkii hore oo iyada oo sugaysa Kylian Mbappe oo ay isla qaateen in uu si xor ah ugu soo biiro, uu haddana waqti dambe go’aankiisa beddelay oo uu heshiis cusub u kordhiyey PSG.

Kylian Mbappe oo heshiiskiisii cusbaa uu ahaa saddex sannadood oo midkood ahaa dookh uu go’aankiisa iska leeyahay ayaa la sheegay, in aanu sannadka saddexaad hirgelin doonin, waxaana uu kaliya PSG usii ciyaari doonaa xilli-ciyaareedka dambe.

Ad

PSG ayaanay waxba gacanta ugu jirin oo  aan awoodi karin in ay ka joojiso Mbappe in uu baxo maadaama ay hore u saareen culays uu qayb ka ahaa madaxweynaha waddanka Faransiiska ee Emmanuel Macron oo telefoonka kula soo hadlay laacibkan oo ka codsaday in uu sii joogo.

Sida uu qoray wargeyska Marca, Real Madrid waxay Kylian Mbappe ku xidhaysaa saddex shuruudood haddii uu doonayo in uu ka ciyaaro Santago Bernabeu, sababta waxa lagu sheegay in aanay kalsooni buuxda ku qabin oo ay ka baqayaan in uu sameeyo sidii sannadkii hore oo kale.

Shuruudda koowaad ayaa waxay tahay, in aanay Real Madrid wax lacag ah siin doonin PSG oo ay kaliya doonayaan in uu bilaash ugu soo wareego, in uu hadda sii saxeexo heshiis hordhac ah oo uu mustaqbalkiisa gacanta ugu gelinayo Real Madrid isaga oo wali aan dhamaysanin qandaraaskiisa PSG iyo in uu mushahar dhimis sameeyo.

Warbaahinta Faransiiska ayaa arrintan ku tilmaamay bahdilaad ay Real Madrid ku samaynayso Kylian Mbappe, laakiin waxay dhinaca kale ugu cudur-daarayaan dhismaha kalsooni ay kooxda reer Spain ku sugi karto inta uu soo dhamaysanayo xilli-ciyaareedkiisa PSG.

Previous articleSaddex ciyaartoy oo ka tirsan Barcelona oo u duulay magaalda Paris ee waddanka Faransiiska xilli uu furmayo suuqa iibka ciyaartoyda
Next articleManchester United oo diyaarisay dalab ay ka gudbinayso laba ciyaartoy oo kasoo wada baxay kulliyadda da’yarta Chelsea

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here