Home Warar Ciyaaraha Maanta Heshiis kordhinta Bruno Fernandes ee Manchester United oo guul laga gaaray

Heshiis kordhinta Bruno Fernandes ee Manchester United oo guul laga gaaray

0

Kabtanka Manchester United Bruno Fernandes ayaa si cad u sheegay in kooxdiisu ay u baahan tahay inay horumar sameyso, xilli uu isku diyaarinayo inuu qandaraas cusub u saxiixo Old Trafford.

Fernandes waxa uu ahaa mid ka mid ah xiddigaha Red Devils xilli ciyaareedkii hore intii lagu jiray ololihii adkaa ee Erik ten Hag. Inkastoo ay ku guuleysteen FA Cup, waxay ku dhameysteen kaalinta sideedaad  ee Premier League waxayna ku dhameysteen kaalinta ugu hooseysa group-kooda Champions League.

Sannadkaas aadka u liita ka dib, waxaa jiray su’aalo ku saabsan mustaqbalka Fernandes. Ciyaaryahanka khadka dhexe qudhiisa ayaa xitaa ka dhawaajiyay inuu u furan yahay inuu ka tago United suuqa kala iibsiga xagaagan.

Laakin taa badalkeeda waxa uu ku haray United waxa uuna kabtan u noqday kooxda Ten Hag kulankii Community Shield ee ay guuldarada kala kulmeen Manchester City. Isagoo hadlayay ciyaarta ka dib, Fernandes ayaa cadeeyay inuu aad u jecel yahay inuu heshiis cusub saxiixo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here