Home Wararka Ciyaaraha Heshiiska Bayern Munich ee weeraryahanka Liverpool Mane oo Boqolkiiba ‘90% dhammaaday’

Heshiiska Bayern Munich ee weeraryahanka Liverpool Mane oo Boqolkiiba ‘90% dhammaaday’

0
Ad

Kalsooni ayaa ka jirta gudaha Maamulka Kooxeq oo ku aadan in Bayern Munich ay xagaagan lasoo saxiixan doonto weeraryahanka Liverpool Sadio Mane .

Hal sano ayaa ka harsan tahay qandaraaskiisa Reds, Mane ayaa la sheegay inuu heshiis shaqsi ah la gaaray Bayern.

Ad

Liverpool ayaa diiday dalab furitaanka Bayern Axadii, laakiin madaxa kubada cagta BILD Christian Falk ayaa sheegay in kooxda Jarmalka ay soo laaban doonaan.

Runtii, Falk waxa uu sheegay in heshiiska uu yahay “boqolkiiba 90 la dhammeeyey” in kasta oo Liverpool ay markii hore ka caga jiidday.

Mane ayaa sidoo kale heshiis la gaaray Bayern isagoo ku qaadanayo 20 milyan oo euro sanadkii.

Previous articleInter Milan oo amaah ku Doonaysa xiddiga khadka dhexe ee kooxda chelsea ee Ruben Loftus-Cheek
Next articleLiverpool oo ku Dhawaaqday heshiis ay la gaartay mid ka  mid ah xiddigaheeda ruug-caddaaga ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here