Heshiiska Frenkie De Jong uu ugu biirayo Manchester United oo dhamaad ku dhow

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhawdahay in ay kooxda Barcelona ka keento xiddiga khadka dhexe ee Frenkie De Jong suuqa xagaagan.

24-sano jirkaan ayaa si xoogan loola xiriirinayay inuu ka tagayo Camp Nou bilihii lasoo dhaafay, iyadoo warbixin laga soo xigtay ay sheegtay in kooxda reer Catalonia ay diyaar u tahay inay dhageysato dalabyada u imaanaya kubadsameeyaha.

Sida laga soo xigtay saxafiga Gerard Romero , Barca ayaa ogolaatay inay De Jong ka iibiso Man United adduun dhan 80 milyan oo Yuuro (£69m), ka wareegistiisa Spain ee England ‘95% waa la dhameeyay’.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in go’aanka Barcelona ay ugu ogolaatay xiddiga heerka caalami ee dalka Netherlands inuu ka tago kaliya sababo dhaqaale, maadaama kooxda La Liga ay weli la daalaa dhacayso dhaqaale.

De Jong ayaa 12-kii bilood ee lasoo dhaafay lala xiriirinayay kooxo ay ka mid yihiin Manchester City , Bayern Munich iyo Paris Saint-Germain , laakiin Man United ayaa haatan u muuqata mid ka hor martay kooxaha ay xifaaltamaan ee tartanka loogu jiro saxiixiisa.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*