Mount ayaa ahaa mid Chelsea qayb kasoo ahaa mudo dheer oo kuliyadeeda kasoo baxay waxaana uu haatan qaataa mushahar toddobaadle 75,000 oo pound ah.
Heshiiska uu hadda kula joogo kooxda ree London ayaa dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedka dambe, waxa uu durba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Manchester United oo ah kooxda rabitaanka ugu badan u muujisay.
Chelsea iyo tababaraheeda cusub ee Mauricio Pochettino ayaa la sheegay inay ku adkaysteen inay doonayaan in Mason lasii joogo.
Dhinaciisa macalinka Man United ee Erik Ten Hag ayaa la sheegay inuu taageere u yahay Mount gaar ahaan awoodiisa cadaadis ee uu garoonka ka dhex samayn karo.
Si kastaba, sida uu sheegayo wargeyska Guardian, Mason ayaa diiday heshiiskii ugu danbeeyay ee Chelsea usoo bandhigtay oo 200,000 oo pound ahaa toddobaadkii taas oo argagax noqonaysa haddii ay xaqiiqo tahay.