Agaasimaha ciyaaraha Bayer Leverkusen Rudi Voller ayaa hoos u dhigay wararka la xiriirinaya Workkid Florian Wirtz inuu u dhaqaaqayo Manchester United .
18-sano jirkaan ayaa u saftay kooxda Bundesliga ka ciyaarta xilli ciyaareedkii 2021-22, isagoo diiwaangeliyay sideed gool iyo 11 caawin 21 kulan oo tartamada oo dhan ah.
Horumarka degdega ah ee Wirtz ayaa soo jiitay dareenka Man United , laakiin Voller ayaan fileynin inuu kubadsameeyaha ka tago Leverkusen waqti dhow.
Isagoo la hadlaya Bild , Voller wuxuu yiri: “Florian wuxuu sameeyay Hormar fantastik ah mar kale lixdii bilood ee la soo dhaafay – horumarkan ayaa iga yaabiyay. Dhab ahaantii.
Wirtz waxa uu urursaday 17 gool iyo 19 caawin 68 kulan oo uu u saftay Leverkusen tartamada oo dhan tan iyo markii uu ka yimid akadeemiyada Koln ee 2020.
Laacibka heerka caalami ee qaranka Germany ayaa kaliya qalinka ku duugay heshiis kordhin uu kula jiro Leverkusen bishii May, waxaana qandaraaskiisa haatan ee Die Werkself uu dhacayaa ilaa 2026.