Home Warka Xiisaha Leh Hooyada dhashay ciyaaryahanka Harry Maguire ayaa sheegtay in xadgudubka lagula kacay...

Hooyada dhashay ciyaaryahanka Harry Maguire ayaa sheegtay in xadgudubka lagula kacay wiilkeeda aan marnaba la qabli doonin

0

Hooyada dhashay ciyaaryahanka Harry Maguire ayaa sheegtay, in xadgudubka lagula kacay wiilkeeda aan marnaba la qabli doonin.

Ciyaaryahankan u dheela Ingiriiska iyo kooxda Manchester United, ayaa dhaleeceyn iyo eedeyn badan kala kulmay baraha bulshada iyo online-ka, kadib markii ay ku buuqeen taageerayaashiisa, kulankii Talaadadi uu Ingiriiska la ciyaarayay xulka Scotland. Ciyaartaas oo ahayd mid saaxibtinimo ah.

Maguire oo qeybtii labaad bedel ku soo galay cayaarta, ayaa iska dhaliyay hal gool, taas oo keentay in aad loo dhaliilo laguna buuqo ciyaaryahankaas.

Tababaraha xulka Ingiriiska, Gareth Southgate, ayaa sheegay in qaabkii ay taageerayaasha ula dhaqmeen Maguire uu yahay mid laga xumaado.

Maguire dhankiisa ayaa waxaa uu sheegay, in ficilka taageerayaasha Scotland ay ahayd wax yar oo ‘canaan’ ah.

Previous articleErik ten Hag oo ku wargeliyey laba ka mid ah ciyaartoydiisa in uu boosaska ka beddelayo kulanka Brighton ee Sabtida
Next articleWar Deg Deg ah:Heshiiska iibka kooxda horyaalka Premier League oo La Dhamaystiray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here