
Kooxda Kaalinta Labaad kaga Jirta Horyaalka Serie A Italy ee Ac Milan Ayaa Garoonka San Siro waxay Ku soo Dhaweeneysa Inter Milan oo Kaalinta Saddexaad ku jirta.
Ac Milan ayaa Kulankeeda ugu Danbeeyay Bar-baro lasoo gashay Kooxda Fc Porto Halka Iner Milan ay 3-1 ku soo dubatay Kooxda Fc Sheriff lakin guuldaro Kulankan kasoo gaarta ayaa hoos u dhigeysa Rajadeeda Difaacashada Horyaalka.
Wararka Labada Koox
Ac Milan: Theo Hernández ayaa kaarka cas loo taagay Kulankooda ugu danbeeyay ee Horyaalka wuxuuna seegi doonaa kulanka Derby-ga ah.
Brahim Diaz wuxuu bilaabi doonaa bilaabashadiisii ugu horeysay ka dib markii uu ka soo kabsaday COVID-19.
Ante Rebic ayaa ku soo laabtay tababarka isbuucaan, waxaana uu ka mid noqon doonaa kooxda kulanka.
InterMilan: Ma jiro Xidig ka Maqan Kulankan.
Shaxda Macquulka ee Labada Koox
AC Milan: Tatarusanu; Calabria, Kjaer, Tomori, Ballo-Toure; Tonali, Kessie; Saelemaekers, Diaz, Leao; Ibrahimovic
Inter Milan: Handanovic; Skriniar, De Vrij, Bastoni; Darmian, Barella, Brozovic, Calhanoglu, Perisic; Dzeko, Martinez.
Xaqiiqooyinka Labada Koox
Ac Milan Vs Inter Milan
Tartanka Serie A
Saacada (22:45 pm Somalia) (20:45 pm Yurub)
Garoonka San Siro
Be the first to comment