Home Warka Xiisaha Leh Hordhac: Arsenal vs Crystal Palace –ee horyaalka Premier League, Wararka Labada Koox...

Hordhac: Arsenal vs Crystal Palace –ee horyaalka Premier League, Wararka Labada Koox iyo Saxda Macquulka ah

0
Ad

Arsenal ayaa soo dhaweyneysa kooxda bilaa tababaraha ah ee Crystal Palace maanta kulan ka tirsan horyaalka Premier League iyadoo kabtankoodii hore Patrick Vieira laga ceyriyay shaqada garoonka Selhurst Park.

Gunners ayaa sideed dhibcood ku qaban karta hogaanka horyaalka Premier League haddii ay badiyaan halka Crystal Palace ay dooneyso inay soo gabagabeyso 12 kulan oo isku xigta oo aysan wax guul ah gaarin.

Ad

Arsenal waxaa weli qalbi xanuun ku ah sidii ay uga soo hareen koobka Europa League maalintii Khamiista iyadoo ay rigoore ku reebtay kooxda Sporting Lisbon, laakiin waxay rajeynayaa inay wadada guusha ku soo noqdaan maanta.

XOGTA KULANKA

Kulanka: Arsenal vs Crystal Palace

Garoonka: Emirates Stadium

Garsoore: Stuart Atwell

Waqtiga: 5pm Saacada Geeska Afrika

MAXAA CUSUB?

Tababaraha da’ yarta kooxda Crystal Palace ahna kabtankoodii hore Paddy McCarthy ayaa kulanka maanta hogaamin doona Crystal Palace ka dib markii la ceyriyay tababare Patrick Vieira.

Albert Sambi Lokonga kama hor imaan karo kooxdiisa Arsenal, Will Hughes iyo James McArthur ayaa weli shaki ku jiraa sababo la xiriira xumad ay qabaan halka goolhaye Vicente Guaita laga yaabo inuusan taam u noqonin kulanka maanta.

Daafacyada Arsenal Takehiro Tomiyasu iyo William Saliba ayaa labadooda dhaawacyo loo bedelay kulankii Sporting.

Dhaawaca dhabarka ee Saliba ayaa laga yaabaa inuu ka soo bogsado ka hor kulanka maanta.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Arsenal: Ramsdale; White, Holding, Gabriel, Tierney; Odegaard, Partey, Xhaka; Saka, Trossard, Martinelli

Crystal Palace: Whitworth; Clyne, Andersen, Guehi, Mitchell; Hughes, Doucoure, Schlupp; Olise, Edouard, Zaha

MA OGTAHAY?

Crystal Palace waxay badisay kaliya labo ka mid ah 22 kulan oo ay marti u aheyd Arsenal horyaalka Premier League, 2-1 oo ay kaga badiyeen garoonka Highbury sannadii 1994kii iyo 3-2 oo ay kaga badiyeen Emirates Stadium 2019kii.

Si kastaba, Arsenal ayaa dhibco dhumisay mid kasta oo ka mid ah afartii kulan ee ugu danbeysay ee ay martigeliyeen Crystal Palace, guuldaradii 2019kii waxaa ugu xigtay seddex barbaro.

Previous articlePep Guardiola Oo Sheegay In Messi Dartiis Uu U Bedelay Erling Haaland
Next articleHordhac: Man United vs Fulham –ee FA Cup, Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here