Hordhac: Arsenal Vs Tottenham, Granit Xhaka oo ku soo laabanaya Gunnar, Dhaawacyada iyo Shaxda Macquulka

Kooxda Arsenal ayaa Garoonkeeda Emirates Stadium ku soo dhaweeneysa kooxda Tottenham Kulan ka tirsan Horyaalka Premier league, Gunners ayaa Kulankan Ciyaareysa iyadoo dib ugu soo laabatay Wadadii Guusha.

Wararka Labada Kooxood

Arsenal: Granit Xhaka ayaa ka soo laabtay ganaax waxaana la filayaa inuu khadka dhexe kula weheliyo Thomas Partey.

Nicolas Pepe ayaa laga yaabaa inuu kursiga keydka ku soo dhaco taasoo keentay inuu Emile Smith Rowe ku cadaadiyo safka hore.

Kieran Tierney ayaa shaki uu ku jiraa kulankan, laakiin waxaa la filayaa inuu ka soo kabsado shakiga laga qabo.

Tottenham: Steven Bergwijn ayaa weli dhaawac ah waxayna u egtahay inuusan mar dhow soo laaban doonin. Ryan Sessegnon sidoo kale lama heli karo laakiin Lucas Moura ayaa soo laabtay.

Oliver Skipp ayaa kursiga keydka loo isticmaalay kulankii Chelsea isbuucii hore waxaana lagu wadaa inuu ku soo laabto kooxda.

Santo ayaa laga yaabaa inuu ku soo laabto shaxda 4-3-3, iyadoo Harry Kane uu hoggaamin doono ciyaarta isagoo door ka sii xamaasad leh ka ciyaaray Chelsea.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Arsenal: Ramsdale; Tomiyasu, White, Gabriel, Tierney; Xhaka, Partey, Odegaard; Saka, Aubameyang, Smith Rowe

Tottenham: Lloris; Emerson, Dier, Sanchez, Reguilon; Hojbjerg, Skipp, Alli; Lucas, Kane, Son

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

Arsenal ayaa 2-1 ku garaacday Spurs kulankan bishii Maarso-ma aysan badin kulamada horyaalka oo xiriir ah oo ay la ciyaareen Tottenham tan iyo markii ay labo jeer ka badiyeen kooxda ay xafiiltamaan ololihii 2013-14.

Tottenham ayaa badisay kaliya hal kulan 28-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay bannaanka kula ciyaartay Arsenal (11-barbaro iyo 16-guuldarro), waxay guul ka gaartay 3-2 bishii November 2010.

Tan iyo barbaro 0-0 ah oo isku xigta Highbury 1997-98 iyo 1998-99, Arsenal ayaa dhalisay ugu yaraan hal gool 22-kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League oo ay gurigeeda kula ciyaartay Spurs.

Arsenal Vs Tottenham

Tartanka Premier league

Saacada (18:30pm Somalia) (17:30pm Yurub)

Garoonka Emirates Stadium

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*