
Mid ka mid ah kulamada ugu waaweyn kubadda cagta Yurub ayaa caawa ka dhacaya garoonka Wanda Metropolitano, waxaana loogu goleyn doonaa Atletico Madrid oo ku qaabbilaysa Real Madrid kulanka loo yaqaano Madrid Derby ee xag-xagashada iyo ciddiyo ku-dagaallanka ah.
Atletico Madrid oo kaalinta toddobaad kaga jirta horyaalka Spain ee LaLiga oo ay toban dhibcood oo kaliya ka xoogsatay tobankii kulan ee ay dheeshay ayaa soo dhoweyn doonta Real Madrid oo 15 dhibcood haysata, soona wada guuleysatay kulamadii shanta ahaa ee ay ciyaartay balse xalay ay si ku-meelgaadh ah hoggaanka ugala sii wareegtay Barcelona.
Wararka Labada Koox
Atletico Madrid waxa dhaawac kaga maqan afarta ciyaartoy ee Stefan Savid, Jose Gimenez, Thomas Lemar iyo Sergio Reguilon oo dhamaantood la filayo in ay seegaan kulankan, hase yeeshee waxa dib ugu soo laabtay goolhaye Jan Oblak oo Sabtidii la xaqiijiyey in uu taam yahay halka Axel Witzel la filayo in uu difaaca dhexe kula soo bilowdo Reinildo iyo Mario Hermoso.
Real Madrid waxa iyagana dhaawac kaga maqan Karim Benzema oo kulankii Champions League ee Celtic jilibka uu dhaawac ka gaadhay, waxaanay u badan tahay in Rodrygo uu kusoo bilaaban doono booska sagaalka beenta ah (false nine), isla markaana ay garbihiisa ka ciyaari doonaan Federico Valverde iyo Vinicius Junior.
Khadka dhexe ayuu dib ugu soo laaban doonaa Toni Kroos oo la nasiyey ciyaartii Real Mallorca oo ay kusoo garab bilaaban doonaan Luka Modric iyo Aurelien Tchouameni, halka Dani Carvajal iyo Ferland Mendy ay dhinacyadooda difaaca ka dheeli doonaan.
Ancelotti ayaa go’aan ka gaadhi doona haddii uu Eder Militao kusoo bilaabi doono kaddib dhaawac uu kasoo laabtay, waxayse u badan tahay in David Alaba iyo Antonio Rudiger ay noqon doonaan difaacyada dhexe.
Karim Benzema waxa maqnaanshaha ku wehelinaya Lucas Vazquez.
Shaxda Macquulka ee Labada Koox
Atletico Madrid: Oblak; Reinildo, Witsel, Hermoso; Molina, Llorente, Koke, De Paul, Carrasco; Morata, Felix
Real Madrid: Courtois; Carvajal, Militao, Alaba, Mendy; Modric, Tchouameni, Kroos; Valverde, Rodrygo, Vinicius.
Xogta Ciyaarta
Tartanka La Liga
Saacada 22:00 Pm Waqtiga Somalia
Garoonka Wanda Metropolitano
Be the first to comment