Home Wararka Ciyaaraha Hordhac: Barcelona Vs Elche ee Horyaalka La Liga Wararka Labada Kooxda, iyo...

Hordhac: Barcelona Vs Elche ee Horyaalka La Liga Wararka Labada Kooxda, iyo Shaxda Macquulka

0

Barcelona oo ujeedadeedu tahay inay ugu yaraan qaab kumeel-gaadh ah kusii qabato hoggaanka horyaalka La Liga ayaa caawa soo dhawaynaysa kooxda Elche.

Barca ayaa haatan laba dhibcood ka dambaysa hoggaamiyayaasha aan wali xataa barbardhac galin ee Real Madrid, guul ay caawa gaadhaan ayay kaddib habeen dambe daawan doonaan natiijada Real ka hesho kulanka dhex maraya Atletico Madrid.

Wararka Labada Koox

Xavi Hernandez ayaan wax dhaawacyo ah kaga cabanayn safka kooxdiisa Barcelona marka laga reebo khadka dhexe ee Sergi Roberto.

Bellerin ayaa la filayaa inuu markale daafaca midig kasoo muuqdo iyadoo Kounde u wareegayo daafaca dhexe oo uu Ronald Araujo kala ciyaari doono, safka daafaca ayay u badantahay inuu dhammaystiro daafaca bidix ee Balde.

Xavi ayaa kulankan fursad siin kara xiddigaha uu keydka dariska uga dhigay ee Frankie De Jong iyo Franck Kessie isaga oo Pedri iyo Gavi fadhiisinaya.

Sidoo kale Hernandez ayaa nasiimo u diri kara Dembele iyo Raphinha isaga oo weerarka Robert Lewandowski kula soo bilaabaya Ferran Torres iyo Ansu Fati.

Dhinaca Elche tababare Fran Escriba ayaa ka werweraya dhaawacyo dhawr ah, Gonzalo Verdu, Gerard Gumbau, Omar Mascarell iyo Jony Alamo ayaa dhammaantood dhaawacyo qaba.

Shaxda labada koox ee Macquulka

Barcelona (4-3-3): ter Stegen; Bellerin, Araujo, Kounde, Balde; de Jong, Busquets, Kessie; Ferran Torres, Lewandowski, Fati

Elche  (4-2-3-1): Badia; Lirola, Roco, Bigas, Mercau; Collado, Fidel; Quina, Ponce, Milla; Boye.

Xogta Ciyaarta

Tartanka La Liga

Saacada 17:15 pm Waqtiga Geeska Africa

Garoonka Camp Nou

Previous articleHordhac: Wolves Vs Manchester City ee Horyaalka Premier league-ga Wararka Labada Kooxda, iyo Shaxda Macquulka
Next articleMikel Arteta oola sheeciyey isaga oo ciyaartoy ah uu ka caawiyey Pep Guardiola in uu guulo gaadho,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here