Mid ka mid ah kulamada ugu waa weyn kubada cagta ayaa caawa oo Axad ah ka dhacaya garoonka Camp Nou, iyadoo kooxda hogaamineysa horyaalka La Liga ee Barcelona ay soo dhaweyn doonto kooxda kaalinta labaad ee Real Madrid.
Real Madrid waxay sagaal dhibcood ka danbeysaa kooxda hogaanka heysa ee Barcelona, guul ay gaarto kooxda martida loo yahay ayaa keeni doonta inay hal gacan ku dhigaan koobka horyaalka La Liga markii ugu horeysay tan iyo 2019kii.
XOGTA KULANKA
Kulanka: Barcelona vs Real Madrid
Garoonka: Camp Nou
Garsoore: Ricardo de Burgos
Waqtiga: 11pm Saacada Geeska Afrika
MAXAA KA CUSUB?
Barcelona ayaa markii hore rajo ka qabtay in Ousmane Dembele uu taam u noqdo kulankaan laakiin xiddiga Faransiiska weli kama soo kabsanin dhaawacii muruqa bowdada, waxaa isna laga soo tagay Pedri inkastoo uu dhaawac ka soo noqday.
Ronald Araujo ayaa soo laabtay ka dib markii uu ganaax ku seegay kulankii Athletic Bilabo ee todobaadkii hore, halka Alejandro Balde la filayo inuu booska daafaca bidix kala baxo Jordi Alba. Gavi ayaa isna la filayaa inuu weerarka kula biiri doono Raphinha iyo Robert Lewandowski.
Dhanka Real Madrid David Alaba ayaa weli dhaawac uga maqan halka Alvaro Rodriguez uu ka dhaawacan yahay Los Blancos.
Ferland Mendy ayaa ka soo kabsaday dhaawacii uu qabay isagoo keydka fadhiyay kulankii Liverpool halka Karim Benzema uu taam yahay inkastoo uu jug dareemay kulankii Champions League.
Ancelotti ayaa go’aamo ka gaari doona khadka dhexe iyadoo ay u badan tahay in Toni Kroos keyd la dhigo si Aurelien Tchouameni dib loogu soo celiyo shaxda.
SHAXDA MACQUULKA AH:
Barcelona: Ter Stegen; Kounde, Araujo, Christensen, Balde; F de Jong, Busquets, Kessie; Raphinha, Lewandowski, Gavi
Real Madrid: Courtois; Carvajal, Militao, Rudiger, Nacho; Tchouameni, Camavinga, Modric; Valverde, Benzema, Vinicius