Hordhac: Bologna Vs AC Milan ee Horyaalka Serie A Italy, Liiska Saddex Xidig oo Dhaawac uga Maqan Milan,

Ka dib niyad jabkii soo gaaray Kooxda bartamihii isbuuca, AC Milan waxay u safartay Bologna Maanta, iyadoo dooneysa inay sii wado hanashada horyaalkeedii ugu horeysay ee Seria A muddo toban sano ah.

Inkasta oo Rossoneri ay si degdeg ah ku bilaabatay tartanka Scudetto, kooxda martigalisay ee Bologna ayaa ku raaxaysatay dhankeeda bilow fiican oo ay ku fadhiyaan kaalinta sideedaad ee kala horeynta .

Wararka Labada Koox

Bologna: Kevin Bonifazi iyo Jerdy Schouten ayaa Dhaawac Kaga Maqan Kooxda Bologna.

Luis Binks ayaa la filayaa inuu ku soo bilowdo daafaca, halka Gary Medel uu ka ciyaari doono qadka dhexe.

Ac Milan: Mike Maignan, Alessandro Florenzi iyo Junior Messias ayaa Dhaawac ahaan Kulankan uga Maqan Kooxda.

Zlatan Ibrahimovic ayaa ku soo bilaaban doona afka hore kulanka Bologna, halka Brahim Díaz iyo Theo Hernandez aysan weli diyaar u ahayn isbuucaan sababo la xiriira COVID-19.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Bologna: Skorupski; Soumaoro, Medel, Theate; Silvestri, Dominguez, Svanberg, Hickey; Soriano, Barrow; Arnautovic

AC Milan: Tatarusanu; Calabria, Tomori, Romagnoli, Ballo-Toure; Bennacer, Kessie; Saelemaekers, Krunic, Leao; Giroud.

Xaqiiqooyinka Labada Koox 

Bologna ayaa kaliya hal dhibic ka heshay 11-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay Milan la ciyaartay horyaalka Seria A: Rossoblù kaliya waxa ay haysataa kulamo xiriir ah oo aan wax guul ah ka gaarin Fiorentina (14) iyo Juventus (18).

Marka ay martida tahay 2021, AC Milan waxa ay badisay 13 guul, hal barbaro iyo labo guuldarro ah Serie A: Rossoneri waxa ay gaartay guulo badan oo marti ah hal sano gudaheed kaliya 1964 (14).

AC Milan ayaa qaadatay (14) waxayna dhalisay (11) rigoorooyinkii ugu badnaa sannadka 2021 guud ahaan 5 -ta horyaal ee ugu waa weyn Yurub – intaas waxaa dheer, Franck Kessié ayaa dhaliyay sagaal ka mid ah, ma jiro ciyaaryahan ka goolal badan intan oo kale.

Bologna Vs AC Milan

Tartanka Serie A

Saacada (09:45 pm Somalia) (08:45 pm Yurub)

Garoonka Renato Dell’Ara Stadium

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*