Hordhac: Brazil v Croatia ee Koobka Adduunka, Wararka Labada Xul iyo Shaxda Macquulka

Kulan ka dhacaya gegida Education City Stadium ayay boos wareega afar dhammaadka koobka aduunka ah caawa ugu tartami doonaan xulalka Brazil iyo Croatia.

Selecao oo kamida dalalka ugu cad cad hanashada tartanka ayaa wareegii 16-ka soo xaaqay South Korea halka xulka ree Yurub rigoorayaal kaga soo baxay Japan.

Wararka Labada Xul

Tababare Zlatko Dalic ayaa la filayaa inuu dib u helo Borna Sosa oo xanuun kaga maqnaa kulankii Korea iyo Josip Stanisac oo dhaawac muruq ah ku seegay.

Dhinaca Brazil waxa xilli horeba hammigoodii koobka aduunku soo dhammaaday xiddigaha kala ah Alex Telles iyo Gabriel Jesus.

Alex Sandro oo isaguna kulamadii ugu dambeeyay dhaawac qabay ayaa tababarka kusoo laabtay laakiin aan la hubin taam ahaanshihiisa ciyaartan.

Militao ayaa markale daafaca midig dheeli kara iyadoo Danilo daafaca bidix u wareegayo halka Lucas Paqueta markale No.8 kaga soo hormarayo Guimaraes iyo Fred.

Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Xul

Croatia(4-3-3): Livakovic; Juranovic, Lovren, Gvardiol, Sosa; Modric, Brozovic, Kovacic; Kramaric, Petkovic, Perisic.

Brazil(4-2-3-1): Alisson; Militao, Thiago Silva, Marquinhos, Danilo; Casemiro, Paqueta; Raphinha, Neymar, Vinicius Junior; Richarlison.

Xogta Ciyaaro

Tartanka: koobka aduunka 2022

Wakhtiga: 18:00 fiidnimo xilliga geeska Africa

Garoonka: Education City Stadium

Garsoore: Michael Oliver (England)

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*