Hordhac: Brentford Vs Arsenal ee Horyaalka Premier league-ga, Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka

Photo/Standard

Arsenal oo lumisay hoggaanka horyaalka oo si ku-meelgaadh ah ay shalay ugala wareegtay Manchester City ayaa dib ugu soo laabanaysa garoomada, waana kulan lagu tilmaamo London Derby oo ay foodda is-darayaan kooxda ay isku magaalada yihiin ee Brentford, inkasta oo ay dhinaca kale ee magaalada ay ka socoto aaska boqoraddii UK ee dhimatay ee Queen Elizabeth II.

Brentford waxay ciyaarteedii ugu dambaysay horyaalka 5-2 kusoo xasuuqday Leeds United oo ay si xun ugu tunteen, halka Arsenal ay guul-darradii Manchester United kaga soo kabatay FC Zurich oo ay 2-1 kusoo garaacday kulan ka tirsanaa Europa League.

Wararka Labada Koox

Labada xiddig ee Christian Norgaard iyo Ethan Pinnock ayaa la filayaa in ay ka maqnaadaan ciyaartan, lamana rajaynayo in ay soo noqon doonaan illaa inta laga soo noqonayo kulamada caalamiga ah, hase yeeshee Thomas Frank ayaa ku rajo weyn in Sergi Canos uu kusoo bilaaban doono.

Da’yarkii hore ee Arsenal ee Josh Dasilvaoo muddo 12 sannadood ah oo uu joogay Gunners soo gabogabeeyey 2018ayaa waxa uu kusoo bilaaban doonaa kulankan, waxaanay iska garab dheeli doonaan Frank Onyeka isaga oo beddelaya Shandon Baptiste.

Saxeexa cusub ee Keane Lewis-Potter oo illaa hadda 58 daqiiqadood u ciyaaray Brentford ayaa ka sugaya Thomas Frank in uu ciyaartan fursad kasiiyo.

Dhinaca Arsenal, waxa ka dhaawacan dhawr ciyaartoy oo muhiim ah. Thomas Partey ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa kaddib muddo uu dhaawac ku maqnaa.

Reiss Nelson iyo Mohamed Elneny ayaa labaduba seegaya kulankan oo aan wali taam noqonin, sidoo kale Emile Smith Rowe iyo Cedric Soares ayaa iyaguna aan taam u ahayn, halka Oleksandr Zinchenko isagana laga saaray liiska xulka Ukraine oo uu muddo laba toddobaad jiifayo, waxaana booska difaaca bidix kusoo laaban doona Kieran Tierney.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Brentford: Raya; Hickey, Jansson, Mee, Henry; Jensen, Janelt, Dasilva; Mbeumo, Toney, Wissa

Arsenal: Ramsdale; White, Saliba, Gabriel, Tierney; Xhaka, Lokonga; Saka, Odegaard, Martinelli; Jesus.

Xogta Ciyaarta

Tartanka: Premier League

Waqtiga 14:00 Pm Geeska Africa

Garoonka Gtech Community Stadium

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*