Hordhac: Brentford Vs Manchester United ee Horyaalka Premier league-ga, Wararka Labada koox iyo Shaxda Macquulka

Manchester United ayaa isku dayi doonta inay ka soo kabsato guuldaradii furitaanka usbuuca ee Brighton & Hove Albion marka ay dib u bilaabaan ololahooda Premier League ee ay la ciyaarayaan Brentford maanta.

Red Devils ayaa guuldarro 2-1 ah garoonkeeda kaga soo gaartay Seagulls furitaanka ol’olaha Axadii lasoo dhaafay, halka Brentford barbaro 2-2 ah la gashay Leicester City kulankoodii ugu horeeyay isla galabtaasi.

Wararka Labada Koox

Brentford ayaa mar kale waayi doona seddex ciyaaryahan ee tartanka isbuucaan, iyadoo Kristoffer Ajer , Sergi Canos iyo Ethan Pinnock aan la soo dooran.

Dasilva ayaa wacdaro ka dhigay kulankii Leicester, waxaana laga yaabaa inuu ku soo bilowdo, lakiin waxa laga yaabaa kooxda ku soo gasho shaxdii ugu danbeesay.

Dhanka Man United, Anthony Martial ayaa seegay isbuucii hore dhibaato muruqa ah, xiddiga reer France ayaana mar kale maqnaan doona kulankaan.

Brandon Williams , Facundo Pellistri iyo Victor Lindelof ayaa sidoo kale dhaawac ku seegaya, halka Mason Greenwood uu weli ganaax ku maqan yahay kooxda 20-ka jeer ku guuleysatay horyaalka Ingariiska.

Ten Hag ayaa leh go’aan weyn marka ay timaado Ronaldo, kaasoo kursiga keydka kasoo muuqday kulankii Brighton, lama filaanna ma noqon doonto in la arko xiddiga reer Portugal, gaar ahaan Martial oo weli dhaawac ah.

Shaxda Labada Koox

Brentford: Raya; Hickey, Jansson, Mee, Henry; Janelt, Norgaard, Dasilva; Mbuemo, Toney, Wissa

Manchester United: De Gea; Dalot, Maguire, L Martinez, Shaw; Eriksen, Fred, Fernandes; Sancho, Ronaldo, Rashford.

Brentford Vs Manchester United

Tartanka Premier league-ga

Saacada 19:30 Pm Xiliga Africa

Garoonka Gtech Community Stadium

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*