Home Wararka Ciyaaraha HORDHAC: Brighton v Liverpool-ee Koobka FA Cup, Wararka Labada Koox iyo Shaxda...

HORDHAC: Brighton v Liverpool-ee Koobka FA Cup, Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka

0
Ad

Liverpool oo uu horkacayo Jurgen Klopp ayaa booqanaysa gegida Amex Stadium oo ay ugu tagayso dhigeeda Brighton oo gudaha bishan uun bahdil weyn usoo gaysatay ciyaar Premier League ah.

Klopp ayaa doonaya aargoosi maadaama ay Brighton 3-0 ku garaacday kulankaas dambe halka ay wareegii hore Anfield barbardhac 3-3 ah lasoo gashay.

Ad

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Brighton ayay ka maqnaan doonaan Jakub Moder iyo Levi Colwill halka mashiinka khadka dhexe ee Moises Caicedo lagu wado inuu seego sababtoo ah inuu ka maqnaa tababarkii ugu dambeeyay ee kooxda isagoo in la iibiyo doonaya.

Liverpool dhinaceeda waxay dhaawacyo ku waayaysaa Virgil van Dijk, Luis Diaz, Diogo Jota, Arthur Melo, iyo Roberto Firmino.

Carvalho iyo Elliot ayaa garbaha weerarka kusoo bilaaban kara bedelka Gakpo iyo Salah iyagoo Darwin Nunez weerarka dhexe ku caawinaya.

Shaxaha Macquulka Ah

Brighton (4-3-3): Steele; Lamptey, Dunk, Webster, Estupinan; Gross, Gilmour, Mac Allister; March, Ferguson, Mitoma

Liverpool (4-3-3): Kelleher; Alexander-Arnold, Gomez, Konate, Tsimikas; Keita, Fabinho, Thiago; Elliott, Nunez, Carvalho

Xogta Kulanka

Tartanka: FA Cup

Garoonka: Amex Stadium

Wakhtiga: 4:30 galabnimo xilliga geeska Africa

Previous articleOusmane Dembele Dhaawacii Xalay Gaaray ma Ku Seegi Doonaa Kulanka Man United?
Next articleHORDHAC: Real Madrid v Real Sociedad-ee La Liga, Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here