Hordhac: Celta Vigo Vs Real Madrid ee Horyaalka La-Liga Spain, Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka

Real Madrid ayaa isku dayi doonta inay xaqiijiso guulo xiriir ah bilawga xilli ciyaareedka 2022-23 ee La Liga marka ay u safraan Celta Vigo.

Los Blancos ayaa guul ku furatay difaacashada horyaalka kadib markii ay 2-1 kaga badisay kooxda dhawaan soo dalacday ee Almeria kulankii ugu dambeeyay, halka Celta ay xilli ciyaareedka ku bilaabatay barbaro 2-2 ah oo ay garoonkeeda kula gashay Espanyol.

Wararka Labada Koox

Ancelotti ayaa isbedel ku sameyn doona shaxdii garoonka ku soo gaslay kulankii Almeria.

Dani Carvajal iyo Rodrygo ayaa labadooduba dhaawac ku seegay usbuucan furitaanka, laakiin waxa la filayaa inay taam u noqdaan kulankan, halka Luka Modric , Alaba iyo Eder Militao ay sidoo kale ku jiraan kuwa soo laabanaya.

Ancelotti ayaa leh go’aan weyn oo uu qaadan karo marka ay timaado Casemiro, uma badna inuu ku lug yeesho, iyadoo Manchester United la rumeysan yahay inay ku dhowdahay saxiixiisa.

Federico Valverde ayaa mar kale ka garab ciyaaro Karim Benzema iyo Vinicius Junior seddexda afka hore, iyadoo Eden Hazard uu fadhin doono kursiga keydka.

Shaxda Labada Koox

Celta Vigo: Marchesin; Mallo, Aidoo, U Nunez, Galan; Solari, Beltran, O Rodriguez, Cervi; Paciencia, Aspas

Real Madrid: Courtois; Carvajal, Militao, Alaba, Mendy; Modric, Tchouameni, Kroos; Valverde, Benzema, Vinicius

Celta Vigo Vs Real Madrid

Tartanka La Liga

Saacada 23:00 pm ‘Habeenimo Waqtiga Somalia

Garoonka Abanca Balaidos

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*