Kooxda Chelsea iyo macalinkeeda Graham Potter ayaa isha ku haya guushii afraad oo xidhiidh ah tartamada oo dhan inay ka gaadhaan Everton oo uu hoggaaminayo macalin Sean Dyche.
Dhinacooda Toffees ayaa doonaya guul ay kaga fogaadaan kaalmaha horyaalka lagaga dhaadhaco, haatan waxay ku jiraan booska 15-aad balse kaliya hal dhibic ayay ka sarreeyaan kaalmaha horyaalka lagaga hadho.
Wararka Labada Kooxood
Chelsea waxa wali dhaawac kaga sii maqnaan doona garabka weerar ee Raheem Sterling, sidoo kale waxaan diyaar ahayn Cesar Azpilicueta, Edouard Mendy iyo Armando Broja.
Waxa taam ahaanshaha kusoo laabtay oo kulankan inay liiska xiddigaha ka qayb galaya ka qayb noqdaan fursad u haysta Reece James, N’Golo Kante, Mason Mount, Pierre-Emerick Aubameyang.
Fofana, Koulibaly iyo Chilwell ayaa markale daafaca dhexe kusoo wada bilaaban kara halka James iyo Chilwell garbaha daafaca dheeli karaan.
Enzo Fernandez iyo Kovacic ayaa lagu wadaa inay khadka dhexe markale kusoo wada bilawdaan iyadoo ay weerarka ku midoobayaan Felix, Havertz iyo Mudryk.
Dhinaca Everton waxa kulankan usoo laaban kara Nathan Patterson oo dhaawac jilibka ah mudo qabay balse waxaan diyaar ahayn Calvert-Lewin iyo Andros Towsend.
Shaxaha Macquulka Ah
Everton (3-4-3): Kepa; Fofana, Koulibaly, Cucurella; James, Kovacic, Fernandez, Chilwell; Felix, Havertz, Mudryk
Everton (4-5-1): Pickford; Coleman, Keane, Tarkowski, Godfrey; Iwobi, Onana, Gueye, Doucoure, McNeil; Gray
Xogta Kulanka
Tartanka: Premier League
Garoonka: Stamford Bridge
Wakhtiga: 8:30 habeenimo xilliga geesks Africa
Garsoore: Darren England