Hordhac: Chelsea Vs Leicester City ee Finalka Koobka FA-Cup-ka, Xidigaha Maqan iyo shaxda Macquulka

Waa maalin layaableh marka laga hadlayo kalandarka kubbadda cagta Ingiriiska iyadoo kooxda reer London ee Chelsea ay isku diyaarinayso inay la ciyaarto Leicester City finalka FA Cup oo ka dhici doona Wembley.

Finalka koobkii 140-aad ee FA Cup ayaa arki doona Blues, oo ah kooxda ugu guulaha badan tartanka tan iyo 2000, waxay la tartami doontaa kooxda gaartay finalka ugu badan iyadoo aan koobka qaadin.

Chelsea Vs Leicester City

Tartanka FA-CUP-KA

Saacada 19:15 Pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Wembley Stadium

Chelsea: Christian Pulisic ayuu dhaawac soo gaaray horaantii todobaadkan waxaana laga yaabaa inuusan awoodi karin inuu qeyb ka ciyaaro finalka FA Cup. Mateo Kovacic ayaa kasoo kabanaya dhaawac waxaana laga saaray kulankaan.

Dhaawac: Mateo Kovacic

Shaki: Christian Pulisic.

Leicester City: Harvey Barnes, James Justin, Wes Morgan, iyo Cengiz Under ayaa dhaawacan waqti xaadirkaan waxayna wali dhaawac ku maqnaan doonaan kulankaan. Jonny Evans wuxuu horumar ka sameeyay soo kabashadiisa, si kastaba ha ahaatee, diyaar ayuu noqon doonaa kulanka Chelsea.

Dhaawac: Harvey Barnes, James Justin, Wes Morgan, Cengiz Under.

Shaxda Kooxaha

Chelsea XI (3-4-3): Kepa Arrizabalaga; Thiago Silva, Antonio RIdiger, Andreas Christensen; Ben Chilwell, Cesar Azpilicueta, N’Golo Kante, Jorginho; Mason Mount, Kai Havertz, Timo Werner.

Leicester City XI (3-4-3): Kasper Schmeichel; Jonny Evans, Caglar Soyuncu, Wesley Fofana; Timothy Castagne, Ricardo Pereira, Wilfred Ndidi, Youri Tielemans; James Maddison, Kelechi Iheanacho, Jamie Vardy.

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

Chelsea ayaa rikoor fiican ka heysata kooxda Leicester City waxayna badisay 57 kulan wadar ahaan 118 kulan oo ay ciyaareen labada koox. 

Leicester City ayaa kaliya 27 guul ka gaadhay Chelsea waxayna u baahan tahay inay horumariso rekoodhkeeda kooxaha waaweyn ee London.

Kulankii hore ee labada koox ee Ingriiska wuxuu ka dhacay Horyaalka Ingiriiska horaantii sanadkaan wuxuuna ku dhamaaday 2-0 oo ay guusha ku raacday Leicester City. 

Thomas Tuchel waligiis ma wajihin Dawacooyinka wuxuuna doonayaa inuu rikoor feecan Ku bilaabo Koobkan.

 

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*