Hordhac: Chelsea Vs Real Madrid ee Champions League, Xidigaha ka Maqan Labada Koox, iyo Shaxda Macquulka

Labada Koox ee Chelsea iyo Real Madrid ayaa ku kulmidoona Garoonka Stamford Bridge lugta labaad ee Wareega Semi-finalka Champions League, Blues ayaa soo dhaweeneysa Real Madrid oo lugti hore ku kala baxeen Bar-baro 1-1.

Chelsea Vs Real Madrid

Tartanka Champions League

Saacada 22:00 Pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Stamford Bridge

Chelsea: Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Real Madrid Mateo Kovacic ayaa weli dhaawac ku maqan, N’Golo Kante iyo Jorginho ayaa ku qasbanaan doona inay kasoo laabtaan maqnaanshiyahooda. Antonio Rudiger oo ka soo kabsaday dhaawiciisa waxaana laga yaabaa inuu diyaar u noqdo kooxda.

Dhaawac: Mateo Kovacic

Real Madrid: Real Madrid ayaanan helidoonin xidigo muhiim ah iyadoo Marcelo shaki uu ku jiro kulankan in la helo. Raphael Varane, Lucas Vazquez, iyo Dani Carvajal ayaa hada ka soo kabsanaya dhaawacyo mana awoodi doonaan inay la safraan kooxda.

Dhaawacyada: Lucas Vazquez, Dani Carvajal, Raphael Varane

Shaki: Marcelo, Federico Valverde

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Chelsea XI (3-4-3): Edouard Mendy; Antonio Rudiger, Thiago Silva, Andreas Christensen; Cesar Azpilicueta, Ben Chilwell, N’Golo Kante, Jorginho; Mason Mount, Christian Pulisic, Timo Werner

Real Madrid XI (4-3-3): Thibaut Courtois; Nacho, Sergio Ramos, Eder Militao, Ferland Mendy; Casemiro, Luka Modric, Toni Kroos; Marco Asensio, Vinicius Junior, Karim Benzema

Xaqiiqooyinka Labada Koox Dhexmaray

Real Madrid ayaa rikoor fiican ka heysata Chelsea, waxaana ay badisay labo ka mid ah seddexdii kulan ee ay ciyaareen labada koox.

Chelsea waligeed kama adkaan Real Madrid kulan rasmi ah waxayna isha ku haysaa inay taariikh sameyso kulankan.

Lugtii koowaad ee labada koox ayaa ka dhacday garoonka Estadio Alfredo Di Stefano bishii hore waxayna ku dhamaatay 1-1.

 Christian Pulisic ayaa dhaliyay gool muhiim u ahaa Chelsea maalintaas wuxuuna doonayaa inuu kulankan uu sidaasi oo kale isku muujiyo.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*