Hordhac: Chelsea Vs Zenit St. Petersburg Kulankooda Champions league-ga, Liiska Xidigaha ka Maqan labada dhinac, iyo Shaxda

kooxda Chelsea ayaa garoonkeeda Stamford Bridge kula ciyaareysa kooxda Zenit St. Petersburg kulan ka tirsan Champions league-ga Guruub-ka H, Blues ayaa kulankeeda ugu danbeeyay kasoo badisay Aston villa waxayna ku jirta mid kamid ah Waqtiyadeeda ugu feecan.

Wararka Labada Kooxood

Chelsea: waxaa ka maqnaan doona weeraryahanka Mareykanka Christian Pulisic, halka uu jiro shaki ku aadan helitaanka ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer France N’Golo Kante. Marka laga reebo in aysan jirin arimo la ogyahay iyo tababare Thomas Tuchel ayaa la filayaa inuu heysto koox taam ah oo uu heysto.

Zenit Saint Petersburg: Dhanka kale, maamulaha Zenit Saint Petersburg Sergei Semak ma awoodi doono inuu u yeero adeega ciyaaryahanka khadka dhexe ee Ruushka Magomed Ozdoyev, halka uu jiro shaki ku saabsan helitaanka daafaca dhexe Dmitri Chistyakov.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Chelsea (3-4-2-1): Edouard Mendy, Cesar Azpilicueta, Thiago Silva, Antonio Rudiger , Reece James, Mateo Kovacic, Jorginho, Ben Chilwell, Mason Mount, Kai Havertz , Romelu Lukaku

Zenit Saint Petersburg XI (4-4-2): Stanislav Kritsyuk, Aleksey Sutormin, Dejan Lovren, Yaroslav Rakitskiy, Douglas Santos, Aleksandr Erokhin, Daler Kuzyaev, Claudinho, Malcom, Artem Dzyuba, Serdar Azmoun

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

Waa markii ugu horreysay oo Chelsea iyo Zenit Saint Petersburg ay isaga hor yimaadaan tartanka UEFA Champions League.

Chelsea Vs Zenit St. Petersburg

Tartanka Champions League

Saacada (22:00pm Somalia) (21:00pm Yurub)

Garoonka Stamford Bridge

 

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*