Hordhac: Club Brugge Vs Paris Saint Germain Kulankooda Champions League, Xidigaha ka maqan labada dhinac iyo Shaxda

Kooxda PSG ayaa Booqasho ugu tageysa Kooxda Club Brugge Kulan ka tirsan Champions league Guruurbka A, Paris Saint-Germain ayaa Kulankan Heysata Xidigo Muhiim ah.

Wararka Labada Kooxood

Club Brugge: ayay u badan tahay inuu ka maqnaan doono garabka reer Colombia Jose Izquierdo, kaasoo dhaawac qaba. Marka laga reebo in aysan jirin arimo la ogyahay, tababare Philippe Clement ayaa la filayaa inuu heysto koox taam ah oo uu soo xusho.

Paris Saint-Germain

Dhanka kale, tababaraha Paris Saint-Germain Mauricio Pochettino ma awoodi doono inuu u yeero adeega daafaca bidix ee Faransiiska Layvin Kurzawa iyo daafaca dhexe ee reer Spain Sergio Ramos. Waxaa jira shaki laga qabo helitaanka daafaca dhexe ee Faransiiska Presnel Kimpembe, qadka dhexe ee Talyaaniga Marco Verratti iyo daafaca midig Colin Dagba.

Xiddiga qadka dhexe ee reer Senegal Idrissa Gueye iyo weeraryahanka reer Argentina Angel Di Maria ayaa ganaax ku maqan. Isbaanishka Juan Bernat iyo Sergio Rico iyo xiddiga reer Brazil Rafinha ayaan lagu soo darin xulka.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Club Brugge XI (4-3-3): Simon Mignolet , Clinton Mata, Brandon Mechele, Stanley Nsoki, Eduard Sobol, Ruud Vormer, Eder Alvarez Balanta, Hans Vanaken, Charles De Ketelaere, Bas Dost, Noa Lang

Paris Saint-Germain XI (4-3-3): Keylor Navas , Achraf Hakimi, Thilo Kehrer, Marquinhos, Nuno Mendes, Ander Herrera, Georginio Wijnaldum, Danilo Pereira, Lionel Messi , Kylian Mbappe, Neymar

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

Laba kulan oo ay labada kooxood ku kulmeen UEFA Champions League, Paris Saint-Germain ayaa badisay labada kulanba.

Labada naadi ayaa markii ugu dambeysay iskaga hor yimid sanadkii 2019 -kii heerka guruubyada tartanka. Paris Saint-Germain ayaa 1-0 ku garaacday Club Brugge, waxaana u dhaliyay qeybtii hore ee ciyaarta weeraryahanka reer Argentina Mauro Icardi.

Club Brugge Vs Paris Saint Germain

Tartanka Champions league

Saacada (22:00pm Somalia) (21:00pm Yurub)

Garoonka Jan Breydel Stadium

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*