
Liverpool ayaa rajaynaysa inay guul ku bilaabato horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan 2022-23 kulan ay maanta booqanayaan kooxda dhawaan soo dalacday ee Fulham.
Fulham ayaa qudheedu doonaysa farriin ay ku dirto inay isbedel samaysay kaddib markii ay sanadihii ugu dambeeyay u dhaxaysay Premier League iyo heerka labaad ee Championship-ka oo ay xilli ciyaareedkii hore kusoo guuleysteen.
Wararka Labada Koox
Tababare Marco Silva ayaa dhawr xiddig xaaladooda werwer ka qaba kahor kulanka maanta, sidoo kale waxa uu shaki ku jiraa haddii la heli karo saxeexa cusub ee Manor Solomon.
Xiddiga ugu muhiimsan ee ka maqnaanaya Fulham ayaa ah Harry Wilson, da’yarkii hore ee Liverpool oo kasoo kabanaya dhaawac jilibka ah, sidoo kale Cottagers ayaa waayaya adeega Joe Bryan iyo Nathaniel Chalobah.
Si ka duwan dhigiisa Silva, Jurgen Klopp ayaa isagu dhaawacyo badan ku qaba Liverpool balse warka wanaagsan ayaa ah inuu usoo laabtay goolhayaha xulashada koowaad ee Alisson Becker walow ay tahay inuu taam u noqdo haddii uu kulanka kusoo bilaaban karo.
Balse Reds ayay ka maqnaanayaan xiddigaha kala ah Ibrahima Konate, Chamberlain, Tsimikas, Naby Keita, Curtis Jones, Diogo Dalot iyo Kelleher.
Waxa jirta suurogalnimo uu Klopp markale keydka ugu soo bilaabayo saxeexa rekoodhka ah ee Darwin Nunez isagoo weerarka ku midaynaya Mohamed Salah, Roberto Firmino iyo Luis Diaz.
Shaxda Labada Koox
Fulham (4-2-3-1): Leno; Mbabu, Adarabioyo, Ream, Robinson; Palhinha, Reed; Reid, Pereira, Kebano; Mitrovic
Liverpool (4-3-3): Alisson; Alexander-Arnold, Matip, van Dijk, Robertson; Henderson, Fabinho, Thiago; Salah, Firmino, Diaz
Fulham Vs Liverpool
Tartanka Premier league-ga
Saacada 20:30 Pm Xiliga Africa
Garoonka Craven Cottage
Be the first to comment