Hordhac: Inter Milan Vs Spezia ee Horyaalka Serie A Italy, Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka

Inter Milan iyo Spezia ayaa ku kulmaya San Siro iyagoo raadinaya inay sii kordhiyaan bilowgooda Horyaalka oo guulo ku bilowday

Kooxda Inter Milan ayaa kulankooda ugu danbeeyay guul la gaartay Lecce halka Spezia ay kasoo badisay kooxda Empoli.

Wararka Labada Koox

Simone Inzaghi ayaanan heysan xidigo badan uu ka walwalo dhanka dhaawaca maadaama uu haysto koox taam ah ka dib soo laabashadii Danilo D’Ambrosio .

Keliya Henrikh Mkhitaryan ayaa weli ka maqan ciyaarta, dhaawaca bowdada ah kubad sameeyahii hore ee Roma ayaa xitaa halis gelin kara ka qeyb galka kulanka Derby Milano ee bilowga Sebtember.

Ivan Perisic iyo Alexis Sanchez ayaa ka mid ah ciyaartoy dhowr ah oo baxay tan iyo xilli ciyaareedkii hore, waxaana u bedelkii hore ee Spurs uu arkay Robin Gosens oo ku jira garabka bidix ee shaxda kooxda martida loo yahay ee 3-5-2. Dhanka kale, Federico Dimarco ayaa rajeynaya inuu booskiisa sii haysto seddexda daafac ee dambe, ka hor Alessandro Bastoni .

Shaxda Labada Koox

Inter Milan: Handanovic; Skriniar, De Vrij, A. Bastoni; Dumfries, Barella, Brozovic, Calhanoglu, Gosens; Martinez, Lukaku

Spezia: Dragowski; Caldara, Kiwior, Nikolaou; Gyasi, Bourabia, Ekdal, S. Bastoni, Reca; Verde, Nzola.

Inter Milan Vs Spezia

Tartanka Serie A

Saacada 21:45 Waqtiga Somalia

Garoonka Giuseppe Meazza

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*