Hordhac: Juventus Vs Inter Milan, Kulanka Darbiga ee Todobaadkan Serie A, Shaxda Macquulka iyo Xidigaha Maqan

Inkastoo lagu kala baxay Horyaalka hadana Juventus ayaa si aad ah u dooneysa inay u dhaqaaqdo booska Champions League marka ay ku soo dhaweynayaan Inter Milan garoonka Allianz taasi oo Xiiso u yeeleysa Kulankan.

Juventus Vs Inter Milan

Tartanka Serie A

Saacada 19:00 pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Allianz Stadium.

Juventus: wax dhaawac ah ama walwal ah kama qabno Andrea Pirlo ayaa heysta koox buuxda oo uu ka soo xusho kulanka Arbacada.

Inter Milan: Inter Milan ayaan qabin wax dhaawac cusub ah, Aleksandar Kolarov iyo Arturo Vidal ayaa weli la maqan dhaawac jilibka ah iyo muruq siday u kala horreeyaan.

Dhaawac: Aleksandar Kolarov, Arturo Vidal

Shacxda Kulankan

Inter Milan XI (3-5-2): Samir Handanovic; Alessandro Bastoni, Stefan De Vrij, Milan Skriniar; Ashley Young, Christian Eriksen, Nicolo Barella, Marcelo Brozovic, Achraf Hakimi; Lautaro Martinez, Romelu Lukaku

Juventus XI (4-4-2): Wojciech Szczesny; Alex Sandro, Leonardo Bonucci, Matthijs De Ligt, Juan Cuadrado; Federico Chiesa, Rodrigo Bentancur, Adrien Rabiot, Weston McKennie; Paulo Dybala, Cristiano Ronaldo.

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood.

Ka dib markii ay ku badisay 2-0 ciyaartii labaad, Inter ayaa badin karta labo kulan oo isku xigta oo Serie A ah oo ay la ciyaareyso Juventus markii ugu horeysay tan iyo 2003/04 oo uu hogaaminayay Alberto Zaccheroni.

Inter ayaa laga yaabaa inay shabaqeeda ilaashato labadii kulan ee Serie A ee ay la ciyaareen Juventus hal xilli ciyaareed markii ugu horeysay tan iyo 1994/95 (labo barbaro ayey gashay).

Inter ayaa ku guuldareysatay inay shabaqa soo taabato mid kasta oo ka mid ah shantii kulan ee ugu danbeysay ee Serie A ee ay marti ahaayeen Juventus; kaliya marka laga reebo Reggina (todobo) Juventus ayaa haatan ku raaxeysaneysa rikoor dheer oo nadiif ah kulamada gurigeeda ee tartamada.

Guushii ugu dambeysay ee ay Inter ku gaarto meel ka baxsan garoonkeeda kooxda Juventus kulan ka tirsan horyaalka Serie A waxa ay aheyd November 2012 (3-1 oo ay uga mahadcelinayaan Diego Milito iyo gool Palacio ah) oo ka yimid Antonio Conte.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*