Hordhac: Kulamada Group F Portugal Vs France, iyo Germany Vs Hungary, Xidigaha maqan, iyo kuwa dhaawaca ah

Photo/Standard

Xulka Portugal oo kaalinta 3aad kaga jira guruubka F ayaa la ciyaaridoona Xulka France kulan ka tirsan guruubka Geerida, Portugal oo labo kulan horay ciyaarta ayaa mid badisay midka kalena laga badiyay halka France uu kulan badiyay midna galay bar-baro.

Portugal Vs France

Tartanka Euro 2020

Saacada 22:00 pm Waqtiga Somaliyga

Garoonka Puskas Arena

Portugal

Portugal waxaa weli ka maqan adeega daafaca dambeedka midig ee Manchester City Joao Cancelo, kaasoo laga helay COVID-19.

COVID-19 : Joao Cancelo

France

Les Bleus waxaa ka maqnaan doona weeraryahanka Barcelona Ousmane Dembele, kaasoo dhaawac jilibka ah soo gaaray ka dib markii uu bedel ku soo galay kulankii ugu dambeeyay ee Hungary.

Dhaawac : Ousmane Dembele

Shaxda Macquulka ee labada Xul

Portugal(4-2-3-1) : Rui Patrício; Nélson Semedo, Pepe, Rúben Dias, Raphaël Guerreiro; Danilo Pereira, William Carvalho, Rafa Silva, Bruno Fernandes Diogo, Jota; Cristiano Ronaldo

France XI (4-3-3) : Hugo Lloris; Benjamin Pavard, Raphaël Varane, Presnel Kimpembe, Lucas Hernández; Paul Pogba, N’Golo Kanté, Adrien Rabiot; Antoine Griezmann, Karim Benzema, Kylian Mbappe

Xaqiiqooyinka labada Xul dhexmaray

Portugal ayaa badisay kaliya hal kulan oo ka mid ah 13kii kulan ee ugu danbeysay ee ay la ciyaareen France (bar-baro 1 Laga badiyay 11).

Tani waa ciyaartii shanaad oo dhex marta Portugal iyo France tartan weyn, laakiin waa markii ugu horreysay oo ay ku kulmaan wareega guruubyada; dhamaan afartii kulan ee hore waxay ka dheceen Semifinal (Euro 1984, Euro 2000, World Cup 2006) ama final (Euro 2016). France ayaa badisay seddexdii ugu horeysay halka Portugal ay ka soo baxday guushii Euro 2016.

Afartii kulan ee ugu dambeysay oo ay wada ciyaaraan Portugal iyo France ayaa kaliya dhaliyay seddex gool (2 waa France, 1 Portugal).

Ka dib barbarihii 1-1 ee ay la galeen Hungary ee MD2, France ayaa ka fogaatay guuldarro kulamada badan markii lagu kala nastay waqtigii nasashada marka loo eego koox kasta oo kale taariikhda Koobabka Yurub (6 – W4 D2).

kulamada kale ee Guruubkan

Germany vs Hungary

Tartanka Euro 2020

Saacada 22:00 pm Waqtiga Somaliyga

Garoonka Fussball Arena Munich

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*