Hordhac: Kulanka Adag Belgium Vs Portugal ee Euro 2020, Shaxda iyo Xidigaha ka dhaawacan kulankan

Photo/Standarad

Xulalka Belgium iyo Portugal ayaa ku kulmidoona Garoonka Estadio de La Cartuja kulan ka tirsan Euro 2020 Wareegiisa 16aad. labada Xul ayaa ah kuwa adag sanadkan taasi oo ka dhigeysa mid kamid ah kulamada ugu adag ee wareega 16aad.

Belgium Vs Portugal

Tartanka Euro 2020

Saacada 22:00 pm Waqtiga Somaliya

Belgium

Daafaca buuxa ee reer Belgium Timothy Castagne ayaan hada diyaar u aheyn xulka qaranka tartankan. Daafaca kooxda Leicester City ayaa laba jab ka soo gaadhay dhinaca isha inta lagu guda jiray ciyaartii Belgium  3-0 kaga badisay Russia kulankoodii furitaanka ee Euro 2020.

Eden Hazard ayaa 90 daqiiqo ku dhammeestay xulka qaranka markii ugu horreysay muddo ku dhow labo sano oo uu ka horyimid Finland . Kevin de Bruyne ayaa sidoo kale ceshan doona booskiisa kadib qaab ciyaareed aad u feecan uu soo bandhigay

Dhaawacyada : Timothy Castagne

Portugal

Nuno Mendes ayaan wali ciyaarin Euro 2020 sababo la xiriira dhaawac bowdada ah oo haatan laga daweenayo. Daafaca bidix ee aadka loo qiimeeyo ee Sporting Lisbon ayaa mari doona tijaabo caafimaad oo soo daahaya si loo ogaado inuu diyaar u yahay kulanka Belgium waxana dhici karta in uu maray hada oo uu diyaar yahay.

Cristiano Ronaldo ayaa ahaa xidigii garoonka kulankii xiisaha lahaa ee France, 36 jirkan ayaa markale hogaamin doona masuuliyada xulkiisa ee dhanka weerarka. Bruno Fernandes ayaa ku soo laaban kara line-upka.

Shaki : Nuno Mendes

Shaxda Macquulka ee Labada Xul’

Xulka Belgium oo Saadaaliyay XI (3-4-3 ): Thibaut Courtois (GK); Jan Vertonghen, Jason Denayer, Toby Alerweireld; Thorgan Hazard, Axel Witsel, Kevin de Bruyne, Thomas Meunier; Eden Hazard, Romelu Lukaku, Yannick Carrasco

Xulka Portugal ee Saadaaliyay XI (4-3-3) : Rui Patricio (GK); Raphael Guerreiro, Pepe, Ruben Dias, Nelson Semedo; Renato Sanches, Danilo, Bruno Fernandes; Andre Silva, Cristiano Ronaldo, Bernardo Silva

Xaqiiqooyinka labada Xul

kulankan waxa uu noqonayaa markii ugu horeysay ee kullan weyn oo tartan ah (World Cup / EUROs) dhexmara Belgium iyo Portugal; Portugal ayaan laga badinin shantii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaareen Belgium tartamada oo dhan (W3 D2) tan iyo guuldaradii 3-0 ee isreebreebka Koobka Adduunka bishii Sebtember 1989.

Belgium ayaa kaliya ku guuldareysatay inay shabaqa soo taabato labo ka mid ah 58kii kulan ee ugu danbeysay ee uu hogaaminayay Roberto Martínez, celcelis ahaan seddex gool ayay ciyaartiiba dhaliyeen (isku dar ahaan 174). Labada kulan ee kale waxay ahaayeen semi-finalka Koobka Adduunka 2018 ee France (0-1), iyo kulankii ugu dambeeyay ee ay la ciyaaraan Portugal – barbaro 0-0 bishii June 2018.

Belgium ayaa gaartay wareega bug-baxda mid kasta oo ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeysay oo ay ka ciyaaraan tartan weyn (EUROs iyo World Cup), iyagoo u gudbay semi-finalka midkoodii hore ee Koobka Adduunka 2018. Guuldaradoodii ka soo gaadhay France oo sanadkii ugu dambeeyay ku guulaystay 2018 ayaa ah midka kaliya ee 10-kii kulan ee ugu dambeeyay tartamada waaweyn ee ay ku fashilmeen in ay ku guulaystaan ​​(W9).

Portugal ayaa u soo baxday wareega bug-baxda ee EUROs iyada oo ku jirta kaalinta 3-aad tartankii 2-aad oo xiriir ah, sidoo kale waxa ay sidaas samaysay sanadkii 2016 ka hor inta ayna u gudbin koobka. Xaqiiqdii, soo laabashadooda afar dhibcood seddexdii kulan ee ay ciyaareen waa soo laabashada ugu liidata ee Qaran difaacanaya EURO xulka Greece ayaa sidaasi sameeyay sanadkii 2008.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*