Hordhac: Kulanka Arsenal Vs Villarreal ee UEFA Europa League, Xidigaha ka Maqan Kulankan iyo Shaxda Macquulka

Kooxda Arsenal ayaa garoonka Emirates Stadium ku soo dhaweeneysa kooxda reer Spain ee Villarreal kulan ka tirsan UEFA Europe League, Arsenal ayaa ku jirta mid kamid ah Waqtiyadii ugu adkaa Xili Ciyaareedka Halka Villarreal ay hormaro sameesay kulamadeeda ugu danbeeyay.

Arsenal Vs Villarreal

Tartanka UEFA Europa League

Saacada 22:00 pm Waqtiga Somaliya

Garoonka garoonka Emirates

Arsenal: Dani Ceballos ayaa casaan qaatay kulankii Villarreal todobaadkii hore wuuna ganaaxan yahay kulankaan. Kieran Tierney iyo Alexandre Lacazette ayaa dhaawacyo xambaarsan xilligan, umana badna inay qatar la galiyo kulankaan.

Dhaawac: David Luiz

Shaki: Kieran Tierney, Alexandre Lacazette

la hakiyey: Dani Ceballos

Villarreal: Iyada oo Etienne Capoue uu todobaadkan ganaax ku maqnaan doono, xidigii hore ee khadka dhexe ee Arsenal Francis Coquelin ayay u badan tahay in uu khadka dhexe ee Villarreal kula wadaagi doono Dani Parejo iyo Manu Trigueros. Vicente Iborra sidoo kale waa dhaawac waana laga saaray kulankaan.

Dhaawac: Vicente Iborra

Shaki: Juan Foyth

La hakiyey: Etienne Capoue

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Arsenal XI (4-2-3-1): Bernd Leno; Calum Chambers, Rob Holding, Gabriel Magalhaes, Granit Xhaka; Maxamed Elneny, Thomas Partey; Emile Smith Rowe, Bukayo Saka, Nicolas Pepe; Pierre-Emerick Aubameyang

Villarreal XI (4-3-3): Geronimo Rulli; Alfonso Pedraza, Pau Torres, Raul Albiol, Mario Gaspar; Francis Coquelin, Manu Trigueros, Dani Parejo; Gerard Moreno, Carlos Bacca, Samuel Chukwueze

Xaqiiqooyinka Dhexmaray Labada Koox

Arsenal ayaa rikoor fiican ka heysata Villarreal, waxaana ay badiyeen labo ka mid ah shantii kulan ee ay ciyaareen labada koox. 

Villarreal ayaa garaacday Arsenal hal jeer oo hore, waxayna u baahan doontaa inay horumariso rikoorkeeda kulankaan.

Kulankii hore ee labada koox wuxuu dhacay lugtii koowaad usbuucii hore wuxuuna kusoo dhamaaday 2-1 oo ay guusha ku raacday Villarreal. 

Arsenal ayaa dhalisay gool muhiim ah oo ay martida ahayd waqtigaasi laakiin waxay u baahan doontaa inay guul gaarto kulankan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*