Hordhac: Kulanka Aston Villa Vs Chelsea ee Horyaalka Premier League, Blues oo qasab ku tahay badinta kulankan

kooxda Chelsea ayaa booqasho ugu tageyso kooxda Aston Villa kulanka ugu danbeeyay ee horyaalka Premier Leagu, Blues waxaa qasab ku ah badinta kulankan si ay sanadkan danbe ugu qeyb gasho Champions league.

Aston Villa Vs Chelsea

Tartanka Premier League

Saacada 18:00 pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Villa Park

Aston Villa

Kooxda martida loo yahay ayaa weli ka maqan adeegyada Matty Cash (muruqa), Dominic Revan (daanka), Trezeguet (jilibka) iyo Morgan Sanson (jilibka) dhaawacyo awgood. Ross Barkley ma awoodi doono inuu wajaho naadigiisa Chelsea oo amaah ku soo fasaxday.

Dhaawac : Matty Cash, Dominic Revan, Trezeguet, Morgan Sanson

Lama heli karo: Ross Barkley

Chelsea

Ngolo Kante (muruqa), Kai Havertz (muruqa) iyo Andreas Christensen (muruqa) ayaa shaki weyn ku jira ciyaarta madaama ay dhaawacyo soo gaareen.

Dhaawac : Ngolo Kante, Kai Havertz, Andreas Christensen

Shaxda Macquulka ee Kulankan

Aston Villa (4-2-3-1): Emiliano Martinez; Matt Targett, Tyrone Mings, Ezri Konsa, Ahmed El Mohamady; John McGinn, Douglas Luiz; Jack Grealish, Anwar El Ghazi, Bertrand Traore; Ollie Watkins

Chelsea (3-4-2-1): Edouard Mendy; Thiago Silva, Antonio Rudiger, Cesar Azpilicueta; Ben Chilwell, Mateo Kovacic, Jorginho, Reece James; Christian Pulisic, Mason Mount; Timo Werner

Xaqiiqooyinka labada Kooxood

Chelsea ayaa kulankaan ciyaareysa iyadoo badisay 64 guul 156 kulan oo ay la ciyaareen Aston Villa.

Kooxda martida loo yahay ayaa heshay 57 guul, halka 35 kulan ay ku dhamaadeen barbaro.

Chelsea ayaan laga badinin todobadii kulan ee ugu danbeysay ee ay la ciyaareen kooxda martida loo ahaa.

 Kulankoodii ugu dambeeyay wuxuu dhacay bishii Diseembar, markii labada dhinac ay ku heshiiyeen barbaro 1-1 ah garoonka Stamford Bridge.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*