Home Falanqeynta Kulamada Hordhac: Kulanka Czech Republic Vs Denmark ee Euro 2020, Waqtiga La Ciyaarayo,...

Hordhac: Kulanka Czech Republic Vs Denmark ee Euro 2020, Waqtiga La Ciyaarayo, Shaxda Macquulka iyo Xidigaha Dhaawaca ku Maqan

0

Xulka Czech Republic ayaa Garoonka Stadio Olimpico Rome kula Ciyaardoona Xulka Denmark Kulan ka tirsan Euro 2020 Wareegiisa Sideed dhamaadka. Labada Xul ayaa ku jira heer dhex dhexaad ah marka la eego Boosaska ay kaga soo baxeen Heerka Guruubyada.

Czech Republic Vs Denmark

Tartanka Euro 2020

Saacada Somaliya 19:00 pm Europe 18:00 pm

Garoonka Stadio Olimpico Rome.

Czech Republic

Jan Boril ayaa ka soo laabtay ganaax wuxuuna diyaar u noqon doonaa xulashada laakiin waxaa laga yaabaa inuu u tartamo booskiisa iyadoo Pavel Kaderabek uu wacdaro ka dhigay maqnaanshihiisa kulankii Netherlands.

Lukas Provod ayaa weli dhaawac ku seegaya kulankaan halka Kabtan Vladimir Darida uu ka soo laabtay dhaawiciisii.

Dhaawac: Lukas Provod

Denmark

Kabtanka Denmark Simon Kjaer ayuu dhaawac ka soo gaaray bowdada ciyaartii Wales laakiin waa uu taam yahay haatan waxaana la filayaa inuu ku soo bilowdo shaxda Kulankan.

Daniel Wass iyo Yussuf Poulsen ayaa labaduba ka maqnaa guushoodii Wales waxayna tartan ugu jiraan inay sidoo kale kusoo bilowdaan.

Shaxda Macquulka ee Kulankan

Czech Republic (4-2-3-1): Tomas Vaclik; Jan Boril, Tomas Kalas, Ondrej Celustka, Vladimir Coufal; Tomas Soucek, Tomas Holes; Jakub Jankto, Antonin Barak, Lukas Masopust; Patrik Schick.

Denmark (3-4-2-1): Kasper Schmeichel; Andreas Christensen, Simon Kjær, Jannik Vestergaard; Daniel Wass, Pierre-Emil Højbjerg, Thomas Delaney, Joakim Mæhle; Martin Braithwaite, Mikkel Damsgaard; Kasper Dolberg.

Xaqiiqooyinka Labada Xul Dhexmaray

Kulankan ayaa ah kii seddexaad ee Czech Republic iyo Denmark ku dhexmara Koobka Qaramada Yurub – Czech ayaa badisay labadii kulan ee hore, 2-0 wareega group-yada EURO 2000 iyo 3-0 2004tii wareega 8da.

Shan ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeysay ee ay wada ciyaaraan Czech Republic iyo Denmark ayaa ku soo dhammaaday barbaro, oo ay ku jiraan kulankoodii ugu dambeeyay ee saaxiibtinimo ee November 2016. Ciyaartii kale ee tartankan waxay ahayd guushii Denmark 3-0 ee isreebreebka Koobka Adduunka ee March 2013.

Guushii 4-1 ee ay ka gaareen Russia iyo 4-0 oo ay kaga badiyeen Wales, Danmark ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay taariikhda European Championship ee dhalisa 4+ gool kulamada isku xigta ee tartanka. Waxay leeyihiin sagaal gool ilaa iyo haatan EURO 2020, kaliya waxay ka goolal badan yihiin tartan weyn koobkii adduunka ee 1986 (10).

Kani waa markii afaraad ee Czech Republic quarter-final-ka timaado, kana soo gudbto labo ka mid ah seddexdii kulan ee hore (1996 vs Portugal, 2004 vs Denmark) laakiin waa ay ku guuldareysteen markii ugu dambeysay oo ay heerkaan soo gaaraan 2012, waxaa 1-0 kaga badiyay Portugal.

Previous articleRasmi: Manchester City oo Xaqiijisay Xidigii Lixaad ee kooxda ka tagay
Next articleHordhac: Kulanka Ukraine Vs England ee Euro 2020, Waqtiga La Ciyaarayo, Shaxda Macquulka iyo Xidigaha Dhaawaca ku Maqan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here