Hordhac: Kulanka Darbiga Chelsea Vs Leicester City, Shaxda Macquulka iyo Xidigaha maqan

kooxda Chelsea ayaa garoonkeeda ku soo dhaweeneysa kooxda kaga guuleysatay FA Cup-ka dhawaan ee Leicester City, kulankan ayaan ah mid aad u xiiso badan madama uu go’aamin karo booska Champions league.

Chelsea Vs Leicester city

Tartanka Premier League

Saacada 22:15 pm waqtiga Somaliya

Garoonka Stamford Bridge

Chelsea: Blues ayaa kulankan ciyaareysa iyadoo heysata koox buuxda oo awood leh madaama aysan qabin wax dhaawac ama ganaax ah

Waxaa la rajeynayaa Thomas Tuchel inuu wax ka bedel ku sameeyo shaxdii uu ku soo bilowday ee lagaga qaaday finalka FA Cup. Ciyaartoyda sida Edouard Mendy iyo Christian Pulisic ayay u badan tahay inay dib ugu soo laabanayaan kooxda.

Leicester City: Kooxda martida ah ayaa wax yar ka walwal qaba kooxdooda. Jonny Evans ayaa la saaray bartamihii ciyaartii ay la ciyaareen Chelsea sabtidii dhaawac muruqa ah waana uu fadhiisan doonaa kulanka.

Harvey Barnes iyo James Justin ayaa sidoo kale dhaawac looga saaray kooxda.

Dhaawac : Jonny Evans, Harvey Barnes, James Justin.

Shaxda Kulankan

Chelsea XI (3-4-3): Edouard Mendy; Thiago Silva, Antonio Rudiger, Andreas Christensen; Ben Chilwell, N’Golo Kante, Jorginho, Cesar Azpilicueta; Christian Pulisic, Kai Havertz, Timo Werner

Leicester City XI (3-4-3): Kasper Schmeichel; Marc Albrighton, Caglar Soyuncu, Wesley Fofana; Timothy Castagne, Ricardo Pereira, Wilfred Ndidi, Youri Tielemans; James Maddison, Kelechi Iheanacho, Jamie Vardy.

Xaqiiyoonka Labada Kooxood

Iyadoo 57 guul gaartay 119 kulan oo ay kulmeen tartamada oo dhan, Chelsea ayaa kulankaan ciyaareysa iyadoo ah kooxda ugu fiican taariikhda kulankaan.

Kooxda martida ah ayaa heshay 28 guul, halka 34 kulan ay bar-baro ku kala baxeen.

Chelsea ayaan wax guul ah gaarin lixdii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Premier League la ciyaartay Leicester (D4 L2), iyagoo badiyay sagaal ka mid ah 11kii kulan ee ay ka horyimaadeen tartanka (D1 L1).

Leicester ayaa isha ku heysa inay dhameystirto labadii kulan ee ugu horeysay ee ay ka badiso Chelsea tan iyo xilli ciyaareedkii 2000-01.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*