Hordhac: Kulanka Darbiga Leicester City Vs Tottenham Hotspur ee Horyaalka Premier League, Shaxda Macquulka ee kulankan

Mid ka mid ah kulamada sida weyn loo wada sugayo maalinta ugu dambeysa Premier League, Leicester City ayaa ku soo dhaweyn doonta Tottenham Hotspur garoonka King Power.

Leicester City Vs Tottenham Hotspur

Tartanka Premier League

Saacada 18:00 pm Waqtiga Somaliya

Garoonka King Power Stadium

Leicester City: Dhibaato ciribta ah oo soo gaadhay Jonny Evans finalkii FA Cup ayaa sii wadaysa inuu garoomada ka maqnaado. James Justin iyo Harvey Barnes ayaa kulanka dhaawac ahaan looga reebay.

Dhaawacyada: Jonny Evans, James Justin, Harvey Barnes

Tottenham Hotspur: Kaliya Ben Davies iyo Japhet Tanganga ayaa kujira miiska daaweynta Tottenham. In kasta oo inta badan safka hore lagu wado in ay ciyaaraan, Lucas Moura ayaa laga yaabaa inuu beddelo Dele Alli oo ka ciyaaro qadka dhexe ee weerarka.

Dhaawacyada: Japhet Tanganga, Ben Davies.

Shaxda Macquulka ee Kulankan

Leicester City (3-4-1-2): Kasper Schmeichel; Timothy Castagne, Wesley Fofana, Caglar Soyuncu; Ricardo Pereira, Wilfred Ndidi, Youri Tielemans, Luke Thomas; Ayoze Perez; Kelechi Iheanacho, Jamie Vardy

Tottenham Hotspur (4-2-3-1): Hugo Lloris; Matt Doherty, Toby Alderweireld, Eric Dier, Sergio Reguilon; Giovani Lo Celso, Pierre-Emile Hojbjerg; Gareth Bale, Lucas Moura, Heung-Min Son; Harry Kane.

Xaqiiqooyinka labada Kooxood

Leicester ayaa badisay 37 waxaana laga badiyay 57 kulan oo ay la ciyaareen Spurs. labada kooxood ayaa 21 kulan ku dhameestay bar-baro.

Leicester ayaa badisay labo ka mid ah seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka ee ay la ciyaareen Tottenham (L1),

Spurs ayaa kaliya ku guuldareysatay inay shabaqa soo taabato mid ka mid ah 14 kulan oo Premier League ah oo ay marti ahaayeen Leicester, iyagoo shabaqa soo taabtay mid kasta oo ka mid ah 11kii kulan ee ugu dambeysay oo ay booqdeen. Si kastaba ha ahaatee, Spurs ayaa sidoo kale kaliya labo jeer shabaqeeda ka ilaashatay Foxes tartanka.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*