Hordhac: Kulanka Eibar Vs Barcelona ee Horyaalka La Liga, Messi oo ka maqan Kulankan, iyo Shaxda

Ka dib guuldaradii ka soo gaadhay kulankoodii ugu dambeeyay ee La Liga, Barcelona ayaa ciyaari doonta kulanka ugu dambeeya xilli ciyaareedkan ee ay la ciyaari doonto Eibar iyada oo ku jirta kaalinta 3-aad.

Eibar Vs Barcelona 

Tartanka La Liga 

Saacada 19:00 pm Waqtiga Somaliya 

Garoonka Municipal de Ipurua

Eibar

Tababaraha Eibar Jose Luis Mendilibar wuxuu heystaa koox buuxda oo taam ah oo uu ka soo xusho, marka ka filo saf xoog leh kulankooda ugu dambeeya horyaalka.

Barcelona

Blaugrana waxay heysataa dhaawacyo dhowr ah madaama Marc-Andre ter Stegen uu ku biiray seddexda xiddig ee Philippe Coutinho, Ansu Fati iyo Sergi Roberto miiska daaweynta.

Clement Lenglet ayaa casaan qaatay ciyaartii Celta Vigo, waana la ganaaxi doonaa kulankan.

Maqnaanshaha ugu weyn ee Barcelona ayaa ku imaan doonta xidiga ciyaareedka weyn ee Lionel Messi. Xiddiga reer Argentine ayay kooxdu siisay ogolaansho ah in uu seego kulanka ugu dambeeya ee horyaalka La Liga todobaadkan si uu fasax ugu baxo.

Iyada oo ay jiraan mala-awaal iyo hubanti la’aan ku xeeran mustaqbalka Messi, waxaa suuragal ah inuu durba ciyaaray kulankiisii ​​ugu dambeeyay ee kooxda.

Dhaawac : Marc-Andre ter Stegen, Philippe Coutinho, Ansu Fati, Sergi Roberto

Shaxda Macquulka ee Kulankan

Eibar XI (4-4-2): Marko Dmitrovic; Cote, Anaitz Arbilla, Paulo Oliveira, Roberto Correa; Pape Diop, Miguel Angel Atienza, Bryan Gil, Edu Exposito; Sergi Enrich, Kike Garcia

Kooxda Barcelona (3-5-2): Neto; Ronald Araujo, Gerard Pique, Samuel Umtiti; Jordi Alba, Frenkie de Jong, Sergio Busquets, Riqui Puig; Ousmane Dembele, Antoine Griezmann, Martin Braithwaite.

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

Labada koox ayaa iswajahay 13 jeer, Barcelona ayaa badisay 11 kulan. Laba kulan ayaa kusoo idlaaday barbaro madaama Eibar aysan waligood garaacin Blaugrana horyaalka heerka koowaad.

Eibar ayaa ciyaartay kulamo badan iyagoon wax guul ah ka gaarin Barcelona LaLiga marka loo fiiriyo koox kale (G13 D2 L11). Intaas waxaa sii dheer, waxaa laga dhaliyay 42 gool kooxda Catalans tartankan, waana in ka badan inta ay ka dhaliyeen koox kale.

Barcelona ayaa gool dhalisay mid kasta oo ka mid ah 13kii kulan ee ay la ciyaartay Eibar LaLiga (wadar ahaan 42 gool, celcelis ahaan 3.2 ciyaar kasta). Intaa waxaa sii dheer, kooxda Blaugrana ayaa dhalisay labo gool ama wax ka badan 12 ka mid ah 13-kii kulan ee ay ka horyimaadeen,

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*