Hordhac: Kulanka England Vs Denmark ee Euro 2020, Waqtiga La Ciyaarayo, Shaxda Macquulka iyo Xidigaha Dhaawaca ku Maqan

Photo/Standard

Xulka England ayaa Kulan ka tirsan Euro 2020 waxay Garoonka Wembley kula Ciyaardoona Xulka Denmark, Labada Xul midka Soo boxo ayaa Finalka wajihidoona Italy oo dubatay Spain.

England Vs Denmark

Tartanka Euro 2020

Saacada 22:00 Pm Africa & Europe 21:00 Pm

England

England wax dhaawac ah ma heysato kulankaan. Bukayo Saka ayaa la filayaa inuu si buuxda uga soo kabsado dhibaatadii yarayd ee ka hor istaagtay guushii Ukraine todobaadkan.

Danmark

Denmark sidoo kale wax dhaawac ah kama qabin kulankaan, iyadoo Eriksen uu yahay ciyaaryahanka kaliya ee xulka ka maqnaanaya marxaladdan.

Shaxda Macquulka ee Labada Xul

England XI (4-2-3-1): Jordan Pickford, Kyle Walker, John Stones, Harry Maguire, Luke Shaw, Declan Rice, Kalvin Phillips, Mason Mount, Jadon Sancho, Harry Kane , Raheem Sterling

Danmark XI (3-4-2-1): Kasper Schmeichel, Andreas Christensen, Simon Kjaer, Jannik Vestergaard, Jens Stryger Larsen, Thomas Delaney, Pierre-Emile Hojbjerg, Joakim Maehle, Martin Braithwaite, Mikkel Damsgaard, Kasper Dolberg.

Xaqiiqooyinka Labada Xul Dhexmaray 

England ayaa badisay kaliya hal kulan lixdii kulan ee ugu danbeysay ee tartan ee ay la ciyaareen Denmark (badin 3  laga badiyay 2), guushaas waxay timid 2002 World Cup (3-0).

Kulankaan ayaa noqonaya kii seddexaad ee dhexmara England iyo Denmark tartan weyn.

 England ayaa 3-0 ku badisay wareega labaad ee Koobkii Adduunka 2002, ka dib barbaro goolal la’aan ah wareega group-yada ee EURO 1992 – tartan ay Denmark u soo baxday inay guuleysato.

Dhammaan toddobadii kulan ee England iyo Denmark ku dhex maray garoonka Wembley Stadium ayaa lagu kala nastay 1-0, iyadoo England ay shan ka badisay labadii kulan ee Denmark. 

Danmark ayaa badisay labadii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaartay England garoonka (1983 iyo 2020), iyadoo aysan jirin koox waligeed badisay seddex kulan oo isku xigta oo tartan ah oo ay la ciyaareen seddexda libaax ee Wembley.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*