Home Wararka Ciyaaraha Hordhac: Kulanka Hungary Vs France ee Guruubka F Euro 2020, Shaxda iyo...

Hordhac: Kulanka Hungary Vs France ee Guruubka F Euro 2020, Shaxda iyo xidigaha Dhaawaca

0

Xulka France ayaa u safridoona Garoonka Ferenc Puskás Stadium si ay ula ciyaaraan Hungary oo Group F kuwada jiraan.

France ayaa kulankaan ciyaareysa ka dib guul adag oo ay ka gaareen Jarmalka. Dhanka kale kooxda martida loo ahaa ayaa guuldaro 3-0 kala kulantay kooxda difaacaneysa koobkaan ee Portugal Talaadadii.

Hungary Vs France

Tartanka Euro 2020

Saacada 16:00 pm Waqtiga Somaliyga

Garoonka Puskas Arena

Hungary

Kooxda martida loo ahaa ayaa la kulantay dharbaaxo aad u weyn kadib markii uu dhaawac soo gaadhay xiddiga RB Leipzig Dominik Szoboszlai kaas oo laga reebay tartanka. Zsolt Kalmar sidoo kale wuxuu kujiraa liiska dhaawaca qaranka.

Dhaawac : Dominik Szoboszlai, Zsolt Kalmar

France

Xulka France ayaa kulankaan ciyaareya iyagoo heesta koox buuxda isla markaana aysan jirin wax walwal ah oo ganaax ah

Shaxda Macquulka 

Hungary XI (3-5-2): Peter Gulacsi, Adam Lang, Willi Orban, Attila Szalai, Gergo Lovrencsics, Laszlo Kleinheisler, Adam Nagy, David Siger, Attila Fiola, Adam Szalai, Nemanja Nikolic

France XI (4-3-3) : Hugo Lloris; Benjamin Pavard, Raphaël Varane, Presnel Kimpembe, Lucas Hernández; Paul Pogba, N’Golo Kanté, Adrien Rabiot; Antoine Griezmann, Karim Benzema, Kylian Mbappe.

Xaqiiqooyinka labada Xul

Kulankan ayaa noqonaya kii labaad ee abid dhexmara labada qaran, oo markii ugu dambeysay ku kulmay 1986 FIFA World Cup. Kulankaas, France ayaa ku badisay 3-0 si ay u xaqiijiso inay ku dhameysato kaalinta labaad ee Group C.

Previous articleHordhac: Kulanka Spain Vs Poland ee Guruubka E Euro 2020, Shaxda iyo Xidigaha Dhaawaca ah
Next articleHordhac: Kulanka Darbiga Portugal Vs Germany ee Euro 2020, Shaxda iyo Xidigaha Dhaawaca ah Kulankan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here