Hordhac: Kulanka Liverpool Vs Crystal Palace ee Horyaalka Premier League, Reds oo Dhaawacyo badan heysata

Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield ku marti galin doonta Crystal Palace iyada sii adkeeneysa booskeeda Premier League afarta ugu sareysa, Guul garo soo gaartay wiilasha Jurgen Klopp ayaa keeni karta in ay ka dhacaan booska afaraad ee loogu soo boxo Champions league.

Liverpool Vs Crystal Palace

Tartanka Premier League

Saacada 18:00 pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Anfield

Liverpool: Reds waxaa ka maqnaan doona kabtankooda Jordan Henderson, Virgil van Dijk, Joe Gomez, Joel Matip, Ozan Kabak iyo James Milner. Naby Keita ayaan la hubin, halka Jota uu wajihi doono tijaabo caafimaad oo soo daahday ciyaarta kahor.

Dhaawacyada: Jordan Henderson, Virgil van Dijk, Joe Gomez, Joel Matip, Naby Keita, Ozan Kabak, James Milner

Shaki: Diogo Jota

Crystal Palace: Eagles waxay qiimeyn doonaan Christian Benteke ka hor ciyaarta. Weeraryahankan ayaa shabaqa soo taabtay mid kasta oo ka mid ah afartiisii ​​kulan ee ugu dambeysay. Eberechi Eze, Luka Milevojevic, James McArthur, Connor Wickham, Nathan Ferguson iyo Mamadou Sakho ayaa ka maqan kulankaan.

Dhaawacyada: Eberechi Eze, Luka Milevojevic, James McArthur, Connor Wickham, Nathan Ferguson, Mamadou Sakho

Shaki: Christian Benteke, Tyrick Mitchell, Scott Dann

Shaxda Macquulka ee Kulankan

Liverpool (4-3-3): Alisson Becker; Trent Alexander-Arnold, Nat Phillips, Rhys Williams, Andrew Robertson; Thiago Alcantara, Fabinho, Georginio Wijnaldum; Mohamed Salah, Roberto Firmino, Sadio Mane.

Crystal Palace (4-3-3): Vicente Guaita; Joel Ward, James Tomkins, Gary Cahill, Patrick van Aanholt; James McCarthy, Cheikhou Kouyate, Jeffrey Schlupp; Andros Townsend, Christian Benteke, Wilfried Zaha.

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

57-kii kulan ee ay wada ciyaareen labada koox, Liverpool ayaa 32 guul badisay. Palace ayaa dhankeeda 14 guul, halka 11 kulan ay ku dhammaadeen barbaro.

Liverpool ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah toddobadii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaartay Crystal Palace. Waqtigaas gudahiisa, waxay shabaqa soo taabteen 22 gool.

Kulamada kale ee la ciyaarayo

Kooxaha Manchester City iyo Manchester United ayaa ciyaaraha kuwaasi oo xaqiijistay boosaskooda kala ah kaalin 1aad iyo 2aad.

Manchester City vs Everton

Saacada 18:00 pm waqtiga somaliya

Garoonka Etihad Stadium

Wolverhampton Wanderers vs Manchester United

Saacada 18:00 pm waqtiga somaliya

Garoonka Molineux Stadium

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*