Hordhac: Kulanka Manchester City Vs Chelsea ee UEFA Champions League, Liiska Xidigaha maqan

labada kooxood ee ka dhisan Dalka ingariiska ee Manchester City iyo Chelsea ayaa ku ciyaaridoona Garoonka Estadio do Dragao Finalka Chamions league, Kooxda City ayaana badi warbaahinta caalamka u saadaalinayaan guusha kulankan lakin waqti walbo waxaa dhici kara isbadal,

Manchester City Vs Chelsea

Tartanka Champions league

Saacada 22:00 pm Waqtiga Somaliya.

Garoonka Estadio do Dragao

Manchester City

Pep Guardiola ayaa doortay inuu ciyaaro weeraryahan la’aan dhowr jeer xilli ciyaareedkaan, waxayna u badan tahay inuu qaab la mid ah ku ciyaaro kulanka Chelsea. Manchester City ayaa heysata koox buuxda oo taam ah waqtigaan waxayna ku qasbanaan doontaa inay la soo gasho kooxdeeda ugu xoogan kulankaan.

Chelsea

Edouard Mendy ayaa laga saaray kulankii Aston Villa isbuucii hore laakiin waxay u badan tahay inuu ku soo laaban doono safka kulankaan. Chelsea ayaa sidoo kale dib u heleysa N’Golo Kante si ay kulankan uga faa’ideestaan xawaarihiisa.

Shaxda Macquulka.

Manchester City XI (4-3-3): Ederson Moraes; Kyle Walker, John Stones, Ruben Dias, Oleksandr Zinchenko; Rodri, Ilkay Gundogan, Bernardo Silva; Phil Foden, Kevin De Bruyne, Riyad Mahrez.
Chelsea XI (3-4-3): Edouard Mendy; Antonio Rudiger, Thiago Silva, Cesar Azpilicueta; Ben Chilwell, Reece James, Jorginho, N’Golo Kante; Mason Mount, Hakim Ziyech, Timo Werner.

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood’

Chelsea ayaa badisay labadii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaartay Manchester City tartamada oo dhan, labaduba waxay yimaadeen tan iyo markii uu Thomas Tuchel la wareegay kooxda. 

Markii ugu danbeysay ee ay seddex kulan oo isku xigta ka adkaadaan Manchester City intii u dhaxeysay 2005 iyo 2009, markaasoo ay ka badiyeen sideed kulan oo isku xigta.

Tartanka Yurub, Chelsea iyo Manchester City kulamadooda kaliya ee hore waxay ahaayeen 1970-71 Cup Winners ‘Cup semi-finalka – Chelsea ayaa ku badisay labada lugba 1-0 si ay ugu gudubto finalka, halkaasoo ay ku garaaceen Real Madrid ka dib ciyaar ku celis ah.

Tani waa sanadkii seddexaad ee koox ay ciyaareyso finalka European Cup / Champions League markii ugu horeysay (Tottenham 2019, PSG 2020, Manchester City 2021).

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*