Hordhac: Kulanka Manchester United Vs Fulham ee Horyaalka Premier League

kooxda Manchester United ayaa garoonkeeda  Old Trafford ku soo dhaweeneysa kooxda Fulham kulan ka tirsan Horyaalka Premier League.

Manchester United Vs Fulham

Tartanka Horyaalka Premier Leagu

Saacada 20:00 pm Waqtiga somaliya

Garoonka Old Trafford

Manchester United: Manchester United ayaa kulankaan waxaa ka maqnaan doona Harry Maguire iyo Anthony Martial dhaawacyo dartiis. Solskjaer ayaa rajeynaya in ay soo laabtaan finalka Europe League todobaadka dambe.

Solskjaer ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Daniel James iyo Phil Jones ay qabaan dhaawacyo waqti dheer ah oo aan lahayn taariikh oo ay kusoo laabanayaan ilaa iyo haatan

Dhaawacyada: Harry Maguire, Anthony Martial, Daniel James, Phil Jones

Fulham: Fulham wax dhaawac cusub ah kama walwal qabto ka dib guuldaradii ka soo gaartay Southampton usbuucaan. Kabtanka kooxda Tom Cairney iyo daafaca Terence Kongolo ayaa garoomada ka maqnaan doona inta ka harsan xilli ciyaareedkan sababo la xiriira dhaawacyo soo gaaray horaantii sanadkan.

Marka laga soo tago taas, Scott Parker wuxuu heli doonaa koox buuxda oo uu ka soo xusho kulanka Talaadada.

Dhaawac: Tom Cairney, Terence Kongolo.

Shaxda Kulankan

Manchester United XI (4-2-3-1): David De Gea; Alex Telles, Victor Lindelof, Eric Bailly, Aaron Wan-Bissaka; Scott McTominay, Donny van de Beek; Marcus Rashford, Juan Mata, Amad Diallo; Mason Greenwood.

Fulham XI (4-2-3-1): Alphonse Areola; Ola Aina, Tosin Adarabioyo, Joachim Andersen, Kenny Tete; Harrison Reed, Andre-Frank Zambo Anguissa; Ademola Lookman, Joshua Onomah, Fabio Carvalho; Josh Maja.

Xaqiiqooyinka Kulankan

Red Devils ayaan laga badinin shantii kulan ee ugu dambeysay oo ay wajahday Fulham, iyagoo badiyay afar ka mid ah.

Kooxda Solskjaer ayaa 2-1 ku badisay kulankii hore ee xilli ciyaareedkaan.

Manchester United ayaa badisay 18 ka mid ah 22-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay Premier League wajahdo Fulham (D2 L2), lagamana badin 12-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ka hortagto tartanka (W10 D2).

Fulham ayaa keliya afar dhibcood ka heshay 42 kulan oo ay ka heshay kulamada Premier League ee ay marti u ahayd Manchester United (W1 D1 L12), waxa ay badisay 3-1 bishii Oktoobar 2003 iyo barbaro 2-2 ah bishii Febraayo 2014.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*