Hordhac: Kulanka Newcastle United Vs Manchester City ee Horyaalka Premier League, Shaxda Kulankan

Manchester City ayaa booqan doonta kooxda Newcastle United garoonkeeda St. James ‘Park iyadoo kooxda heysata horyaalka Premier League ay ciyaareyso markii ugu horeysay tan iyo markii ay hanatay horyaalka.

Newcastle United Vs Manchester City

Tartanka Premier League

Saacada 22:00 pm Waqtiga Somaliya

Garoonka St James’ Park

Newcastle United: Magpies ayaa afar ciyaartoy ka dhaawacan, oo uu ku jiro gooldhaliyaha ugu sarreeya Callum Wilson, kaasoo garoomada uga maqnaan doona inta ka dhiman xilli ciyaareedkaan dhibaato muruqa ah.

Fabian Schar ayaa ganaax ku maqnaan doona kulankiisii ​​labaad ee seddex kulan oo ganaax ah ka dib casaankii uu qaatay kulankii Arsenal labo isbuuc ka hor.

Laakiin dhanka wanaagsan, Bruce wuxuu heestaa Ciaran Clark oo markale diyaar u ah.

Dhaawac: Callum Wilson, Isaac Hayden, Jamaal Lascelles iyo Karl Darlow

Hakinta: Fabian Schar

Manchester City: Kevin De Bruyne ayaa seegay kulankii ugu dambeeyay sababo la xiriira taam ahaansho la’aan waxaana dib loo qiimeyn doonaa markale ka hor ciyaarta, halka John Stones uu ka soo laaban doono ganaaxiisa.

Kulankii liitay ee Sergio Aguero ee Chelsea ayaa laga yaabaa inuu ku riixo Guardiola inuu nasiyo kulankaan isagoo doorbidaya Gabriel Jesus. Dhanka kale, Bernardo Silva, Ilkay Gundogan iyo Phil Foden ayaa laga yaabaa inay kooxda soo galaan ka dib markii ay keydka ka soo bilaabeen ciyaartii ugu dambeysay.

Shaxda Macquulka

Newcastle United (3-5-2): Martin Dubravka; Federico Fernandez, Ciaran Clark, Paul Dummett; Jacob Murphy, Miguel Almiron, Jonjo Shelvey, Joe Willock, Matt Ritchie; Alex Saint-Maximin, Joelinton.

Manchester City (4-3-3): Ederson; Kyle Walker, John Stones, Ruben Dias, Oleksandr Zinchenko; Bernardo Silva, Rodrigo, Ilkay Gundogan; Riyad Mahrez, Gabriel Jesus, Phil Foden.

Xaqiiqooyinkan Labada Koox

Guusha kaliya ee ay gaartay Newcastle United 26-kii kulan ee ugu dambeysay Premier League waxay aheyd 2-1 oo ay ku garaaceen gurigooda Janaayo 2019.

Si kastaba ha noqotee, City ayaa badisay kaliya mid ka mid ah afartii kulan ee ugu danbeysay ee ay marti ahaayeen horyaalka ee ay la ciyaareen Magpies inkastoo ay hogaanka u hayeen seddexdii kulan ee ay ku guuldareysteen inay guuleystaan

Newcastle ayaa badisay 49 kulan oo ay garoonkeeda ku ciyaartay kulankaan waa rikoor wada jir ah oo ay ka horyimaadeen koox ka soo horjeeda.

Guul ay gaaraan jimcaha waxay xaqiijineysaa in City ay sameysato rikoor horyaalka Ingriiska ah oo ah 12 guul oo isku xigta oo ay marti ahaayeen. Waxay la wadaagaan rikoorka haatan kooxda Chelsea oo 11 kulan looga badin gurigeeda.

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*