Hordhac: Kulanka Olympiacos Vs Arsenal ee UEFA Europa League

Kadib guul soo daahay oo ay ka gaareen Benfica wareega 32-da, Arsenal ayaa wajihi doonta wareega 16ka Europa League kooxda  Olympiacos.

Olympiacos Vs Arsenal

Tartanka Europa League

Saacada 23:00 pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Karaiskaki Stadium

Garsooraha Daniel Siebert (Germany)

Olympiacos:- Daafacyada dhexe Ruben Semedo iyo Avraam Papadopoulos ayaa durbaba dhaawac ku maqnaa. Dhamaadkii usbuuca, Ousseynou Ba sidoo kale dhaawac ayaa soo gaaray. Taasi waxay la macno tahay in laacibkii hore ee Arsenal Sokratis Papastathopoulos la filayo inuu kusoo bilowdo kulanka Gunners.

Dhaawac: Ruben Semedo, Avraam Papadopoulos, Ousseynou Ba

Arsenal:- Walaaca kaliya ee Arteta ayaa ah dhaawaca sinta oo ka reebay Emile Smith Rowe inuu ka maqnaado Arsenal kulankii isbuucaan ee ay la ciyaareen Burnley. Da ‘yarka ayaa shaki weyn ku jiraa kulankaan sidoo kale.

Dhaawac: Emile Smith Rowe

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

Koox kasta waxay badisay shan ka mid ah 10kii kulan ee ay iska horyimaadeen midkood ka hor kulankan.

Kulankii ugu dambeeyay ee labadan koox wuxuu ka dhacay garoonka Emirates Stadium sanadkii 2020. Pape Abou Cisse ayaa gool u dhaliyay kooxda Olympiacos waqtigii caadiga ahaa.

Aubameyang ayaa shabaqa soo taabtay daqiiqadii 113-aad taas oo Arsenal u sahashay in ay u soo baxdo. Sikastaba, Youssef El-Arabi ayaa shabaqa soo taabtay daqiiqadii 119-aad ee ciyaarta.

Olympiakos ayaa badisay kaliya labo ka mid ah 11kii kulan ee ugu danbeysay ee ay ka horyimaadeen kooxaha Ingariiska tartamada waa weyn ee Yurub (D2 L7,

Shaxda Macquulka ee Labada Kooxood.

Olympiacos XI (4-2-3-1): Jose Sa; Kenny Lala, Sokratis Papastathopoulos, Yann M’vila, Oleg Reabciuk; Mady Camara, Andreas Bouchalakis; Mathieu Valbuena, Kostas Fortounis, Bruma, Youssef El Arabi

Arsenal XI (4-2-3-1): Bernd Leno; Hector Bellerin, David Luiz, Pablo Mari, Kieran Tierney; Thomas Partey, Granit Xhaka; Bukayo Saka, Martin Odegaard, Pierre-Emerick Aubameyang; Alexandre Lacazette

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*