Hordhac: Kulanka Real Madrid Vs Villarreal ee Horyaalka La Liga, Shaxda Iyo Xidigaha maqan

Real Madrid ayaa martigelin doonta Villarreal kulanka ugu dambeeya ee xilli ciyaareedka La Liga taasoo ah kulan ay qasab tahay inay guuleystaan wiilasha Zinedine Zidane .

Real Madrid Vs Villarreal.

Tartanka La Liga.

Saacada 19:00 pm Waqtiga Somaliya.

Garoonka Alfredo Di Stefano. 

Real Madrid

Real Madrid ayaa waayi doonta xiddigo badan oo seegi doona kulanka sabtida. Raphael Varane, Sergio Ramos iyo Ferland Mendy ayaan diyaar u aheyn kulankaan dhaawac dartiis. Toni Kroos ayaa laga helay viruska loo yaqaan ‘COVID-19 virus’ sidoo kale wuu seegi doonaa ciyaarta.

Lucas Vazquez iyo Dani Carvajal ayaa garoomada ka maqnaan doona inta ka dhiman xilli ciyaareedkan sababo la xiriira dhaawacyo ay qabeen bishii hore.

Dhaawacyada: Raphael Varane, Sergio Ramos, Ferland Mendy, Lucas Vazquez, Dani Carvajal

COVID-19: Toni Kroos

Villarreal

Villarreal ayaan qabin wax walwal oo dhaawac cusub ah ka dib guushii ay ka gaareen Sevilla isbuucii hore. Etienne Capoue iyo Mario Gaspar ayaa ka soo laaban doona ganaax kaga maqnaanaya kulanka sabtida.

Unai Emery, si kastaba ha ahaatee, wali waxaa ka maqnaan doona Samuel Chukwueze iyo Juan Foyth iyada oo labada xiddig u dagaalamayaan in ay taam u noqdaan finalka Europe League. Ciyaaryahanka khadka dhexe Vicente Iborra ayaa garoomada ka maqnaan doona inta ka dhiman xilli ciyaareedkaan ka dib markii uu dillaacay jilibka bishii December ee sanadkii hore.

Dhaawac: Samuel Chukwueze, Juan Foyth, Vicente Iborra

Shaxda Macquulka ee Kulankan

Real Madrid XI (4-3-3): Thibaut Courtois; Miguel Gutierrez, Nacho Fernandez, Eder Militao, Alvaro Odriozola; Casemiro, Federico Valverde, Luka Modric; Eden Hazard, Vinicius Jr, Karim Benzema

Villarreal XI (4-4-2): Sergio Asenjo; Alfonso Pedraza, Pau Torres, Raul Albiol, Ruben Pena; Etienne Capoue, Dani Parejo, Manuel Trigueros; Carlos Bacca, Gerard Moreno, Moi Gomez

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

Real Madrid ayaa ah kooxda ugu cad-cad iyada oo lagu salaynayo rikoodhkii ay heysato. Los Blancos ayaan laga badinin shantii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka ee ay la ciyaareen Villarreal, labo guul iyo seddex barbaro.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyey barbaro 1-1 ah kulankii ka soo horjeedka horaantii xilli ciyaareedkaan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*