Hordhac: Kulanka Roma Vs Manchester United ee UEFA Europa League, Shaxda Macquulka iyo Xidigaha ka Maqan Kulankan

Manchester United ayaa hal lug la gashay finalka madaama ay la ciyaarayaan AS Roma lugta labaad ee semi-finalka UEFA Europa League iyagoo ku hogaaminaya 6-2.

Roma Vs Manchester United

Tartanka UEFA Europa League

Saacada 22:00 Pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Stadio Olimpico, Rome

Roma: Pau Lopez, Jordan Veretout iyo Leonardo Spinazzola ayaa dhamaantood lagu qasbay inay garoonka ka baxaan qeybtii hore ee lugtii hore. Pau Lopez ayaa garoomada ka maqnaan doona inta ka dhiman xilli ciyaareedkan. Veretout ayay u badan tahay inuu seego ciyaarta.

Nicolo Zaniolo, Pedro, Calafiori iyo El Sharaawy ayaa dhamaantood dhaawac ku seegaya kulankaan sidoo kale.

Dhaawacyada: Pedro Rodriguez, Riccardo Calafiori, Nicolò Zaniolo, Stephan El Shaarawy, Pau Lopez, Jordan Veretout, Leonardo Spinazzola

Shaki: Jordan Veterout

Manchester United: Phil Jones iyo Anthony Martial ayaa labadoodaba ku maqan dhaawac jilibka ah mana cadda waqtiga ay labadan soo laaban doonaan. Ole Gunnar Solskjaer ayay u badan tahay inuu fursadan u isticmaali doono inuu ku nasiyo qaar ka mid ah ciyaartoydiisa ugu fiican. Sidan oo kale, Dan James waxay u badan tahay inuu ku bilaaban doono garabka midig.

Donny van de Beek ayaa kusoo bilaaban kara khadka dhexe Nemanja Matic. Eric Bailly iyo Alex Telles ayaa laga yaabaa inay dib ugu soo laabtaan safka koowaad ee Red Devils.

Dhaawacyada: Anthony Martial, Mason Greenwood.

Shaxda Macquulka ee Labada Kooxood

Roma (3-4-2-1): Antonio Mirante; Ibañez, Chris Smalling, Gianluca Mancini; Bruno Peres, Bryan Cristante, Gonzalo Villar, Rick Karsdorp; Henrikh Mkhitaryan, Lorenzo Pellegrini; Edin Dzeko

Manchester United (4-2-3-1): David de Gea; Brandon Williams, Eric Bailly, Harry Maguire, Alex Telles; Fred, Nemanja Matic, Paul Pogba, Donny van de Beek, Daniel James, Mason Greenwood.

Xaqiiqooyinka Dhexmaray Labada Kooxood

Manchester United ayaa wajahday AS Roma toddobo jeer illaa iyo maanta. Red Devils ayaa badisay shan jeer halka AS Roma ay badisay kaliya hal jeer. Hal kulan ayaa ku dhamaaday barbaro. 

Markii ugu dambeysay ee ay kooxahan ciyaaraan waxay aheyd lugtii koowaad ee semi-finalka isbuucii hore markii Manchester United ay 6-2 kaga badisay AS Roma.

Roma ayaa laga badiyay 4 kamid Shantii kulan ee ugu danbeeyay, Manchester United ayaa badisay Afar kamid ah Shantii kulan ee ugu danbeesay Halka ay hal kulan bar-baro gashay.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*