Hordhac: Kulanka Switzerland Vs Spain ee quarter-finalka Euro 2020, Shaxda Macquulka iyo Xidigaha Dhaawaca ku Maqan

Xulka Switzerland ayaa Garoonka Saint Petersburg Stadium kula Ciyaardoona Xulka Spain Kulan ka tirsan Euro 2020 Wareegiisa quarter-finalka.

Switzerland Vs Spain 

Tartanka Euro 2020

Saacada 19:00 Pm Africa 18:00 Pm Yurub

Garoonka Saint Petersburg Stadium

Garsooraha Michael Oliver (England)

Switzerland

Switzerland ma heysato arrimo dhaawac ah oo la yaqaan, laakiin waxaa ka maqnaan doona xiddigooda iyo kabtankooda Granit Xhaka, oo ganaax ku maqan. Weeraryahanka Liverpool Xherdan Shaqiri , garabka Eintracht Frankfurt Steven Zuber iyo weeraryahanka Benfica Haris Seferovic ayaa dhamaantood wacdaro dhigay ilaa iyo haatan.

Waa la hakiyey: Granit Xhaka

Spain

Dhanka kale, Spain waxaa ka maqnaan kara goolhayaha Manchester United David de Gea iyo daafaca bidix ee kooxda Valencia Jose Luis Gaya, iyadoo labada ciyaaryahanba ay dhaawacyo ka soo kabsanayaan. 

Xiddigaha khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Sergio Busquets iyo Pedri, weeraryahanka kooxda Juventus ee Alvaro Morata iyo weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Pablo Sarabia ayaa dhamaantood wacdaro ka dhigay Xulkooda.

Shaki: Jose Luis Gaya, David de Gea

Xaqiiqooyinka Labada Xul 

waa kulankii ugu horreeyay ee Switzerland iyo Spain ku dhexmara Koobka Qaramada Yurub.

Seddexdii kulan ee ugu dambeysay oo ay ciyaaraan tartan weyn wuxuu ahaa 1966, 1994 iyo 2010 Koobkii Adduunka, iyadoo Spain ay badisay labadii ugu horeysay halka Switzerland ay badisay markii ugu dambeysay.

Spain ayaa laga badiyay kaliya hal kulan oo ka mid ah 22kii kulan ee ay la ciyaareen Switzerland tartamada oo dhan (badin 16 bar-baro 5), guuldaradaasina waxay aheyd 2010 Koobkii Adduunka ee South Africa.

Waa markii afaraad ee Switzerland ay ka soo muuqato quarter-finalka tartan weyn (Koobka Aduunka iyo EURO), waana markii ugu horeysay oo ay ciyaaraan Koobka Qaramada Yurub.

Switzerland ayaa laga badiyay mid kasta oo ka mid ah seddexdii kulan ee hore – 3-2 vs Czechoslovakia (1934), 2-0 vs Hungary (1938) iyo 7-5 vs Austria (1954).

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*