Hordhac: Kulanka Turkey Vs Italy Guruubka A ee UEFA Euro 2020, Shaxda iyo Xidigaha maqan

Turkiga ayaa lagu wadaa inuu Italy kula ciyaaro garoonka Stadio Olimpico maalinta jimcaha kulan ka tirsan heerka guruubyada ee UEFA Euro 2020.

Turkey Vs Italy 

Tartanka UEFA Euro

Saacada 22:00 Pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Stadio Olimpico

Turkiga

Turkiga ayaa si fiican u noqon kara mid hogaanka u qabta Guruubkooda Euro 2020. Waxay leeyihiin weeraryahan khibrad leh sida Burak Yilmaz , halka daafacyada dhexe ee hibada leh sida Juventus dafaceeda Merih Demiral iyo Leicester City Caglar Soyuncu ay ku riyaaqeen xilli ciyaareedyo wanaagsan. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee AC Milan Hakan Calhanoglu ayaa fure u noqon doona weerarka isagoo leh hal abuurkiisa iyo gaarsiinta gooldhalinta.

Senol Gunes ayaa sidoo kale magacaabay ciyaartooy da ‘yar oo kooxda ka mid ah, waxaana ka mid ah ciyaaryahanka khadka dhexe ee Trabzonspor Abdulkadir Omur, daafaca midig ee Sassuolo Mert Muldur iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee weerarka Feyenoord Orkun Kokcu.

Talyaaniga

Talyaaniga, dhanka kale, waxay umuuqdeen kuwo isku badalay maamulkii Roberto Mancini, waxayna soo saareen waxqabad wanaagsan dhawaanahan. Xiddiga Chelsea Jorginho, xiddiga Inter Milan Nicolo Barella, kan Paris Saint-Germain Marco Verratti iyo kan Roma Lorenzo Pellegrini ayaa ka mid ah xulashooyinka khadka dhexe ee Italy.

Dhanka hore, wax badan ayaa ku tiirsan qaab ciyaareedka xidiga Lazio ee Ciro Immobile, iyo Andrea Belotti. Daafacyada rugcadaaga ah ee kooxda Juventus Giorgio Chiellini iyo Leonardo Bonucci ayaa sidoo kale lagu soo daray, waxayna labadan xiddig u badan tahay inay ku soo bilaaban doonaan hadii ay taam buuxa noqdaan. Waxaa jira shaki ku saabsan helitaanka Verratti kulankaan.

Shaxda Labada Xul

Xulka Turkiga XI (4-1-4-1): Ugurcan Cakir, Zeki Celik, Merih Demiral, Caglar Soyuncu, Umut Meras, Okay Yokuslu, Cengiz Under, Ozan Tufan, Hakan Calhanoglu, Yusuf Yazici, Burak Yilmaz.

Xulka Italy XI (4-3-3): Gianluigi Donnarumma, Alessandro Florenzi, Leonardo Bonucci, Giorgio Chiellini, Emerson Palmieri, Nicolo Barella, Jorginho, Manuel Locatelli, Federico Chiesa, Ciro Immobile, Lorenzo Insigne

Xaqiiqooyinka Dhexmaray labada Xul

11 kulan oo dhexmaray labada dhinac, Talyaanigu wuxuu heystaan guulaha ugu badan Waxay guuleysteen sideed kulan seddexna bar baro.

Labadan dal ayaa markii ugu dambeysay is wajaheen 2006, iyadoo ciyaarta ay ku dhamaatay barbaro 1-1 ah. Gool uu dhaliyay weeraryahan Antonio Di Natale oo u dhaliyay Italy ayaa lagu kansalay gool uu iska dhaliyay daafaca dhexe Marco Materazzi ayaa Turkiga u suura galiyay barbaraha.

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*