Home Warar Ciyaaraha Maanta Hordhac: Kulanka ugu xiisaha badan champions League maanta oo dhexmari doona kooxaha...

Hordhac: Kulanka ugu xiisaha badan champions League maanta oo dhexmari doona kooxaha ruug-cadaaga ah ee Liverpool iyo Ac Milan.

0

Kulanka ugu xiisaha badan champions League maanta ayaa dhexmari doona kooxaha ruug-cadaaga ah ee Liverpool iyo Ac Milan.

Kulanka ayaa ka dhici doona garoonka San-Siro waxana ay labada kooxood u soo gali doonaan sidii ay natiijo ugala bixi lahaayeen.

Ac Milan oo la joogo garoonkeeda ayaa doonaysa in ay ka faa’iidaysato taageerayaashooda isla markaas badiyaan kulanka.

Dhinaca kale Liverpool ayaa doonaysa in ay natiijo fiican kala soo laabato garoonka Milan.

Kulanka: Ac Milan Vs Liverpool

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: San Siro

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa noqon doona midkii 5-aad ee ay kooxaha Ac Milan iyo Liverpool ku kulmaan Tartamada yurub iyada oo kala badh kulamadaas isaga hor yimaadeen champions League.

Liverpool ayaa badisay dhamaan 3-dii kulan ee ay ay ku ciyaartay garoonka San Siro champions League iyaga oo ka badiyay kooxaha Ac Milan Iyo Inter Milan.

Liverpool ayaa badisay 4 ka mid ah 5-tii kulan ee ay booqatay kooxaha reer Italy tartamada champions League iyada kulamadaas dhamaan yimaadeen wixii ka dambeeyay sanadkii 2020.

Kooxda Ac Milan ayaan laga badin 4-tii kulan ee ugu dambaysay ee ay champions League la ciyaartay kooxaha reer England.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here