Home Wararka Ciyaaraha Hordhac: Kulanka Ukraine Vs England ee Euro 2020, Waqtiga La Ciyaarayo, Shaxda...

Hordhac: Kulanka Ukraine Vs England ee Euro 2020, Waqtiga La Ciyaarayo, Shaxda Macquulka iyo Xidigaha Dhaawaca ku Maqan

0

Xulka Ukraine ayaa Garoonka Stadio Olimpico Rome kula Ciyaardoona Xulka England Kulan ka tirsan Euro 2020 Wareegiisa Sideed dhamaadka. Ukraine ayaa kulankeeda ugu danbeeyay kasoo gudubtay Sweden halka England ay guul raaxo leh kasoo gaartay Germalka.

Ukraine Vs England

Tartanka Euro 2020

Saacada Somaliya 22:00 pm Europe 21:00 pm

Garoonka Stadio Olimpico Rome.

Ukraine

Weeraryahanka reer Ukraine Artem Besedin ayaa seegi doona kulankaan ka dib dhaawac halis ah oo jilibka kasoo gaaray kulankii Sweden ee isbuucaan. Denys Popov sidoo kale waa uu maqan yahay, halka xiddigga Andriy Yarmolenko iyo sidoo kale Oleksandr Zubkov ay iyagana shaki ku jiraan.

Dhaawac: Artem Besedin, Denys Popov

Shaki: Andriy Yarmolenko, Oleksandr Zubkov

England

Tababaraha England Southgate ayaan qabin wax dhaawacyo ah oo uu ka walwalsan in kasta oo laga yaabo inuu doorto inuu nasiyo Declan Rice iyo Kieran Trippier ka dib markii labada ciyaaryahan ay dhaawacyo ka soo gaareen kulankii Jarmalka. Kalvin Phillips iyo Harry Maguire ayaa sidoo kale hal jaale u jira ganaax.

Shaxda Macquulka ee Labada Xul

Ukraine XI (3-5-2): Georgi Bushchan, Illia Zabarnyi, Serhii Kryvtsov, Mykola Matvienko, Oleksandr Karavaev, Mykola Shaparenko, Taras Stepanenko, Serhiy Sydorchuk, Oleksandr Zinchenko, Artem Dovbyk, Roman Yaremchuk

England XI (4-2-3-1): Jordan Pickford, Kyle Walker, John Stones, Harry Maguire, Luke Shaw, Kalvin Phillips, Jordan Henderson, Mason Mount, Raheem Sterling, Harry Kane, Jack Grealish.

Xaqiiqooyinka Dhexmaray labada Xul

England ayaa laga badiyay kaliya hal kulan oo ka mid ah todobadii kulan ee ay la ciyaareen Ukraine tartamada oo dhan (badin 4 laga badiyay 2). kulankaan waa kii ugu horeeyay tan iyo bishii Sebtember 2013 (0-0 ee Kiev)

England iyo Ukraine waxay kulmeen tartan weyn hal jeer oo hore, iyadoo Saddexda Libaax ay 1-0 ku badiyeen wareega group-yada ee EURO 2012, waxaana goolkaas u dhaliyay Wayne Rooney.

Ukraine ayaa dhalisay kaliya seddex gool todobadii kulan ee ay la ciyaareen England, waligoodna wax ka badan hal gool meysan dhalin kulan kasta. Afartii kulan ee ugu dambeysay oo ay wada ciyaaraan labada dhinac waxay dhaliyeen kaliya afar gool wadar ahaan.

Mid kasta oo ka mid ah seddexdii kulan ee ugu dambeysay England ee wareega 8da ee Koobka Qaramada Yurub waxa ay aadeen waqti dheeri ah iyo rigoorayaal – ka dib markii ay ka soo baxeen kii ugu horreeyay ee Spain ee 1996, England ayaa looga badiyay rigoorayaal ay la ciyaareen Portugal 2004 iyo Italy 2012.

 

Previous articleHordhac: Kulanka Czech Republic Vs Denmark ee Euro 2020, Waqtiga La Ciyaarayo, Shaxda Macquulka iyo Xidigaha Dhaawaca ku Maqan
Next articleMan United oo dooneysa inay lasoo saxiixato weeraryahanka Everton Dominic Calvert-Lewin xagaagaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here